SIRTA taageerada ay DF u fidisay Sacuudiga iyo waxa aanay dad badan fahmin

Tan iyo markii ay dowladda Soomaaliya war saxaafadeed ay soo saartay si buuxda taageero ugu muujisay boqortooyada Sucuudiga Careebiya oo muddooyinkan dambe la daalaa dhaceysay culeys diblomaasiyadeed, waxaa ay bulshada Soomaaliyeed uga falceliyeen qaabab kala duwan.

Ma ahayn markii kowaad ee ay dowladda Soomaaliya war murtiyeed ceynkaas ah soo saartay, dhaw bilood kahor ayey ahayd markii ay Sucuudiga ku garab istaagtay isla xiisad diblomaasiyadeed oo boqortooyada kala dhexeysay Canada.

Mawqifkii ay isniintii dowladda qaadatay waxa uu ku soo aaday xilli Sucuudiga lagu haysto ‘dil ay Qunsuliyadeedda Istanbul ugu gaysatay Saxafi u dhashay dalkeeda’, taas oo ka carreysiisay inta badan dalalka caalamka, gaar ahaan Turkiga oo dalkeeda falka lagu gaystay iyo Mareykanka oo xiriir aad u qotodeer lahaa Sucuudiga.

Arritaas, waxa ay cawaaqib xumo ku keentay Sucuudiga kaddib markii uu Mareykanka ugu hanjabay ku soo rogidda cunaqabateynno halka shir weyn oo dalkeeda ka dhici lahaa ay wadammo badan ka baaqdeen.

Hadaba, waxaa is weydiin mudan, waa maxay yoolka dowladda, muxuu ka dhigan yahay war saxaafadeedkan iyo xidhiidh noocee ah ayuu la leeyahay booqashooyinkii Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ee Riyaad?

Falcelintii bulshada inta badan waxa ay u badneyd mid aysan hageyn fahamka siyaasadda xiriirka caalamiga ah, waayo, intooda badan waxa ay diiradda saarayeen sida go’aanka dowladda uu dhaawac ugu gaysan karo xidhiidhka ay Soomaalida ugu yeerto WALAALNIMO ee Turkiga kala dhexeeya Muqdisho, taas oo dhaawac weyn u geysan karta dowladda uu hoggaamiyo Maxamed Cabdullaahi Farmaaho. Hase ahaatee, marka aad daristo sida uu u shaqeeyo xidhiidhka caalamiga ah, waxaa kuu soo baxaysa in go’aankii dowladda wax qalad ah ku jirin, xattaa haddii uu xumaanayo xidhiidhka Turkiga iyo Soomaaliya.

Mabaadii’da xiriirka caalamiga ah waa mid ku dhisan ama ay jiheyso masaaliix ee ma laha saaxiib joogta ah. Waxaa tusaale kuugu filan, bil kahor waxaa halkii ugu xumaa gaaray xiriirkii diblomaasiyadeed ee Mareykanka iyo Turkiga taas oo keentay in maamulka Trump oo dagaal dhaqaale ku qaado Ankara, waxa uu ku soo rogay cunaqaateyn dhinaca Dollar-ka, saacado gudohood waxaa aad hoos u dhacay lacagtii Turkiga! Balse, laba maalin kahor, waxa uu la safnaa isla Turkiga isaga oo ka soo horjeestay saaxiibkiisii dhaqamiga ahaa (Traditional ally) ee Sucuudiga!

Booqashooyinkii Farmaajo Iyo Kheyre ee Sucuudiga

Xukumadda Nabad iyo Nolol waxa ay bilowday in ay kooxaha mucaaradka ku ah iyo maamul gobolleedyada la dheesho ciyaar siyaasadeed, waxa ay ku dadaaleysaa in ay ka soo ooddo meel walba ee ay is dhihi karaan waxa ay ka heli karaan taageero dhaqaale.

Tusaale, Madaxweyne Farmaajo waxa uu booqday Eritrea, booqashadaas, caadiyan waxa ay u dhammeysay is ku day walba ee ay kooxaha mucaaradka ah garab uga raadin kareen Asmara oo ka mid ah dowladaha saameynta siyaasadeed ku leh Soomaalia, waxaa la mid ah booqashadii uu Sucuudiga ku tagay.

Dhinaca kale, Ra’iisul Wasaare Kheyre, waxa uu isna dhawaan booqasho ku tagay Sucuudiga, lama oga ujeedooyinka hoose uu ku qarsoonaa! Yeelkeede, waxaa muuqata in dowladda dheeleyso siyaasad ku dhisan yaree cadaawadda kaala dhexeysa dowladdaaha deriska kula ah ama kuwa kugu leh saameynta siyaasadeed, waxa lagu yiraahdo luuqadda diblomaasiyadda “Zero problems with enemies and strategic dept”.

Muxuu ka dhignaa war saxaafadeedkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda Ee Shalay?

War saxaafadeedkii si buuxda ee waliba ay ka muuqatay DHINAC la safashada loogu taageeray Sucuudiga, waxa uu ahaa mid sii xoojinaya tuhunkii laga qabay in dowladda Federal-ka ah ee Soomaaliya iyo wadamadda khaliijka ee uu Sucuudiga hoggaamiyo ay isku soo dhawaadeen, si ay Muqdisho ugu muujiyo in ay dhineceeda daacad ka  tahay arrintaas, waa in ay qaaddo tallaabo la mid ah tii shalay.

Ogow, war saxaafadeed la soo saaray malaha miisaan weyn balse waxaa xigi doona go’aanno waa weyn sida, in xiriirka loo jaro Qadar! Balse waxaan ku eegi doono arrintaas qormo kale.

W/Q: Cabiraxmaan Ahmed Gaariye
Hargeysa, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid