Muqdisho (Caasimada Online) – Jeneraal Yuusuf Maxamed Siyaad (Indha Cadde) oo kamid ah saraakiiisha Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan doorashooyinka iyo qaylo dhaanta mucaaradka.
Jeneraal Indha Cadde oo wareysi gaar ah siiyay Radio Kulmiye ayaa marka hore ka hadlay qorshaha mucaaradka ee ku aadan dib u dhisidda bad-baado qaran 2 oo ay ku goodiyeen iay ku wajahayaan madaxweyne Xasan, haddii aanu dhexda soo dhigin doorashada.
Yuusuf Indha Cadde ayaa shaaca ka qaaday in marnaba aanu qayb ka noqon doonin qorshahahaasi, isla markaana aanu qoray u qaaday doonin Xasan Sheekh iyo dowladdiisa.
“Xasan Sheekh haddii uu doorasho qof iyo cod ah qabanaayo iyo haddii ma aragtay ku guuleysanaayo ama ku guul dareysanaayo aniga hadda aragtideyda iyo waxa aan ka qabo waa wax kale, laakiin qoray maya” ayuu yiri Gen. Yuusuf Maxamed Siyaad ”Indha Cadde
Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Hadda muxaafad ma’ihi, mucaaradna kuma ihi dowladdaan waxaan ahay nin Soomaali ah oo janan ah oo ka tirsan ciidamada qalabka sida”
Jananka ayaa xusay in aanu mucaarad noqon doonin, haddii uu qoray uu qaadanayo kaliya uu la dagaalamayo maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.
“Aniga marna lagama yaabo inaan qoray qaato, haddii aan qoray qaadanaaayo halkaas iyo Al-Shabaab diyaar ayaan u ahay inaan la dagaalamo, laakiin inaan Xasan Sheekh iyo inaan qoray u qaato diyaar uma ihi inaan mucaarad galana diyaar uma ihi” ayuu mar kale yiri.
Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo haatan xaaladda siyaasadeed ee dalka ay kacsan tahay, isla markaana madaxda dowladda, qaar kamid ah maamullada dalka iyo mucaaradka ay isku khilaafsan yihiin sida loo wajahayo doorashooyinka soo socda ee Soomaaliya.