Intaysan dhamaan ka gaarsii: CC oo xilal ku tixay beeshiisa (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid ayaa wada magacaabidda xilal muhiim ah xilligan kala guurka ah ee waqtiga dowladda Fedeaalka Soomaaliya uu sii dhamaanayo.

Cumar C/rashiid oo horeba ugu howlahaa xilal fara badan inuu magacaabo ayaa dadaalkiisa sii kordhiyay maalmihii ugu danbeeyay wuxuuna xilal muhiim ah u magacaabay xubno ay isku beel yihiin si waqtiga kala guurka ah looga faa’iideysto.

Xilalka ra’iisal wasaaraha magacaabay waxaa ka mida Wasiiru dowle ka tirsan xafiiskiisa iyo xoghaye joogto ah oo markii ugu horeysay uu u magacaaabay Wasaaradda Maaliyadda.

Arrimahan ayaa shaki badan ka dhaliyay golaha wasiirada oo is-weydiinaya xilalka tira badan ee Cumar uu magacaabayo.

Cumar Cabdirashiid ayaa sidoo kale magacaabay agaasimayaal tiro badan, isaga oo qaar kalena xilalka ka qaaday, waxaana badankood ay kasoo jeedaan beeshiisa.

Toddobaadyada soo socda ayaa sidoo kale la filayaa inuu magacaabo safiiro iyo qunsullo dhowr ah oo lagu bedelayo kuwa hadda jira, si uu beeshiisa xilal uu tixo inta uusan waqiga ka dhammaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com