Somaliland oo shara tirtay GAAS markii ay maanta ku wareejisay…

Muqdisho (Caasimada online) – Taliska ciidamada maamulka Somaliland ayaa sheegay iney maamulka Puntland ku warejiyeen maxaabiis ay ku qabteen dagaalkii dhawaan dhexmaray maamulka Somaliland iyo Puntland kaasi oo maxaabiis la isaga qabsaday.

Taliska ciidamada Somaliland ayaa sheegay in ku dhawaad afar askari oo ka mid ahaa ciidamada Puntland ay wareejiyeen kuwaasi oo dagaaladii dhawaan dhacay lagu qabtay.

Taliye Xuseen Dheere oo ah taliyaha guutada 93 ee Somaliland ayaa sheegay in afarta askari lagu wareejiyay Puntland uu gudoomay xildhibaan Canjeex oo isna kamid ahaa xildhibaanadii lagu qabtay dagaaladii labada maamul dhexmaray.

Xildhibaanka ayaa soo dhaweeyay tallabada Somaliland ay qaaday, wuxuuna sheegay in wadahadalka ka dhaxeeya labada bulsho ay ku dhalatay in askartaasi xuriyadooda dib u helaan.

“Askarta waa la xiraa dhib way la kulmaan sidaas darteed in la idin xiray yeyna noqon mid cadaawad idin gelisa, qof kastaa xabsi wuu geli karaa xataa mid aan dagaalamaynin “ ayuu kula dardaarmay xildhibaanku afarta askari ee uu la wareegay.

Somaliland ayaa maxaabiis ku qabatay dagaaladii dhawaan dhexmaray Puntland iyo Somaliland.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com