Xog: Koofi oo dharbaaxo culus kala kulmay R/W CC iyo Gaafow

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan ku heleyno wararka naga soo gaaraya Xafiiska Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid, ayaa sheegaya in Sharmaarke uu amar kusoo rogay Taliyaha cusub laanta Socdaalka iyo Jinsiyada ee dowladda Somalia Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Sharmaarke ayaa Koofi ku amray in maamul ahaan uu hoostagi doono Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Somalia Gen.

Gaafow, kadib markii Koofi baryahaani uu ahaa shaqsi gooni isaga riixaayay Hay’adda Sirdoonka oo sharci ahaan uu hoostagaayo.

Sharmaarke ayaa Koofi u sheegay inaanu jirin sharci dhigaaya in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada ay tahay mid gooni u taagan waxa uuna amar ku siiyay inuu la shaqeeyo Gen. Gaafow oo isaga kor ka maamula Hay’adda magaceeda loo soo gaabiyay NISA.

Gen. Gaafow ayaa dhawaan markii laga qaaday xilka Hay’adda laanta Socdaalka iyo Jinsiyada dacwad ka gudbiyay Koofi, kadib markii uu ku eedeeyay inuu ka biya diidan yahay in maamul ahaan Hay’adaasi uu hoos keeno Hay’adda NISA.

Gaafow ayaa ku dooday in sharciga dalka uu dhigaayo in Hay’adda Socdalka iyo Jinsiyadaha ay hoostagto NISA, waxa uuna ku goodiyay inaanu maamulka qaban doonin waa haddii aan Hay’adaasi uu maamuli jiray la hoos keenin NISA.

Sharmaarke oo garwaaqsaday sharciga ayaa Koofi uga digay inuu qaado talaabo uusan la socon Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Gen.Gafow, waxa uuna amarkaasi dharbaaxo ku noqday Taliyaha cusub laanta Socdaalka iyo Jinsiyada ee dowladda Somalia Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi).

Qorshaha Koofi ayaa ahaa in Hay’adda Socdaalka ay noqoto mid ka madaxbanaan NISA, hayeeshee waxa uu iminka aqbalay in maamul ahaan uu hoostago Hay’adda Sirdoonka, sida aan xogta ku helnay.

Tan iyo markii ay dhacday dowladii Dhexe ee Somalia ayaa waxaa burburay sharciga dalka taa oo sabab u noqotay in Madaxda dowlada Somalia ay sharciga ka dhigaan sida rabitaankooda ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com