Maxaad ka ogtahay halka Xasan ku bixinayo dhaqaalaha u badan

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia, Xassan Sheekh Maxamuud uu bilaabay kulamo aan hakat laheyn oo uu la qaadanaayo odayaal iyo Siyaasiyiin.

Madaxweyne Xassan ayaa odayaasha iyo Siyaasiyiinta qaarkood ku iibsanaaya dhaqaale adag, halka qaarkoodna uu la dhiganaayo axdi.

Madaxweyne Xassan ayaa dhaqaalihiisa ugu badan ku bixinaaya odayaasha isaga oo ka dalbanaaya inaan laga hor imaan Siyaasadiisa, islamarkaana ay taageeran suuragalnimada dib usoo laabashadiisa.

Xassan Sheekh ayaa la sheegay in odayaasha qaarkood uu isugu daray dhaqaale iyo xilal si aysan uga talaabin heshiiska dhigaaya taageeridiisa.

Xassan Sheekh ayaa sidoo kale, odayaasha ugu laab qaboojinaaya in heshiiska uu intaa kasii badan doono, waa haddii aysan dhicin dib u gurasho.

Madaxweynaha ayaa aaminsan in caqabada ugu badan ay kaga imaankarto dhanka odayaasha oo iyagu ah kuwa gacanta ku haya Xildhibaanada cusub ee imaan doona wakhtiga dhow.

Tani ayaa imaaneysa xili Madaxweyne Xassan Sheekh uu cadaadis xoogan kala kulmaayo wakiilada Beesha Caalamka iyo Siyaasiyiinta.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com