Muqdisho oo mar kale qarax uu ka dhacay iy khasaaraha oo….

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaraxaani ayaa waxa uu goordhow ka dhacay nawaaxiga saldhiga degmada Waabari ee gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa la sheegayaa inuu ahaa gaari lagu xiray Miino kaasi oo ku qarxay dhabarka danbe ee Saldhiga waxaana la sheegayaa in gaariga uu lahaa nin la shaqeeya dowlada Somalia.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in Qaraxa uu ahaa mid ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawacba leh.

Qaraxa ayaa sidoo kale burburiyay gaariga waxaana sidoo kale la sheegay in halkaasi ay gaaren ciidamada Degmada waabari iyo kuwa Saldhiga oo aan sidaa uga sii fogeyn.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu ku dhintay hal ruux, sidoo kalane uu dhaawac kasoo gaaray laba ruux oo midi uu ahaa dhaawac fudud.

Maamulka Degmada ayaa sheegay in gadaal danbe ay ka faahfaahin doonaan Qaraxa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com