Xog: Xasan oo Puntland la galay heshiiskii Sheikh Shariif oo kale

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa heshiis la galay Cabdi Weli Gaas iyo maamulka Puntland kaasi oo ku saabsan doorashada Soomaaliya ee sanadkan dhaceysa.

Heshiiskan ayaa dhigaya in Puntland ay taageerto in Xasan Sheekh dib loo soo doorto, islamarkaana Gaas uu keensado qofka noqonayo ra’iisul wasaaraha cusub ee xiga.

Sidoo kale, waxaa Puntland la siiyey xubno dheeri ah oo aqalka sare ay ku yeelaneyso sida lagu caddeeyey warmurtiyeedkii kasoo baxay shirkii madasha ee dhowaan Muqdisho kusoo idlaaday.

Sida ay ilo xog ogaal ah u sheegeen Caasimada Online, madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale ka aqbalay Puntland in dib looga laabto isku day la doonayey in gobolka Banaadir lagu soo diro aqalka sare ee baarlamanka.

Heshiiska Xasan uu la galay Puntland ayaa la mid ah kii Faroole uu horey ula galay madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo saxiixii heshiisyada Garoowe 1 iyo Garoowe 2 ku iibsaday in dib loo soo doorto balse ku hungoobay.

Xasan ayaa waxaa muuqda in qadiyaddiisa iyo dadkiisa uu xil dhaafsaday, waxaanse sugeynaa doorashada Soomaaliya iyo natiijadeeda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com