Xasan oo hindisay qorshe $60m looga boobayo shacabka Xamar

Muqdisho (Caasimada Online) – Qorshaha qasbka ah ee qaadashada kaararka ee maamulka gobolka Banaadir iyo laanta socdaalka ay iclaamiyeen ayaa ah qorshe la doonayo in lacago badan lagu helo oo lagu taageeero dib u doorashada madaxweynaha dalka.

Arrintaan ayaa qof kasta laga raba inuu bixiyo 24$ iyada oo sidoo kalena ay qasab tahay inaad bixiso 5$ oo aad xarunta dembi baarista CID uga soo qaadanayso warqad caddeynaysa inaadan wax dembi ah galin, taasi oo ka dhigan isku darka lacagta aad kaarka ku heleyso 29 doolar.

Ku dhawaad 2 milyan oo qof ayay qorsheynayan inay ku qasbaan kaarka 29 ka doolar ah, taasi oo ka dhigan 58 milyan oo doolar.

Gabar magaceeda Zahra kusoo koobtay ayaa Caasimadda Online u sheegtay ” lacagtaas ma heli karno 5 doolar oo CID ay naga rabto iyo 24 doolar oo kaarka nagala rabo wax aan ka bixi karno maaha”

Waxay kusii dartay “Xitaa 29 doolar haddaa bixiso ma heleysid kaarka sababtoo ah waxay rabaan inaad soo sameysato Passportka oo ka badan 100 doolar”.

Warar kale oo madax banaan ayaa xaqiijiyay in Guddoomiyaja Gobolka ahna duqa Muqdisho loo xil saaray inuu kaararka ka soo saaro 60 Milyan oo doolar si loogu taageero qorshaha madaxweyne Xasan ee dib u doorashada.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com