IS-MOOG: Xasan Sh. oo beeniyey arrin uu dhowaan ku dhaqaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan wareegto kasoo baxday Wasaarada Amniga Qaranka Somalia digniin loogu jeediyay milkiilayaasha leh Hoteelada Muqdisho oo lagu amray inaan Hoteeladooda lagu qabankarin Shirar, ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somalia Xassan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheekh oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa sheegay in aysan jirin cid ay Dowladdu ka mamnuucday inay ku shiraan Hoteelada ku yaalla Magaalada Muqdisho, waxa uuna tilmaamay in dowladu aysan caqabad ku aheyn cidii si nabad ah ugu shireysa Hoteelada.

Waxa uu sheegay in dowladu aysan diidaneyn cida ka arinsaneysa aayahooda, balse ay kasoo horjeeda in qalqal uu ku imaado amniga Hoteelada.

Xassan waxa uu sheegay in muwaadiniintu ay xaq u leeyihiin in si nabadgalyo ah ay shirarkooda ugu qabsadaan Hoteelada misna ay isku weydaarsadaan talooyinkooda waxa uuna beeniyay inay jiraan amar uu ku baxshay in la mamnuuco shirarka ka socda Hoteelada magaalada Muqdisho.

Waxa uu sidoo kale Xassan Sheekh sheegay in Siyaasada dowlada aysan kamid aheyn in la hor istaago dadka ku shiraaya Hoteelada waxa uuna cadeeyay in dowladu aysan shirarkaasi habayaraatee waxba u arag waa haddii aysan amniga lid ku aheyn.

Xassan waxa uu tilmaamay in dowladu aysan xal u arag in la caqabadeeyo goobaha ay shacabku amniga u raadsadaan sida Hoteelada waxa uuna cod dheer ku sheegay inaanu jirin amar kasoo baxay oo lagu mamnuucaayo shirarka Hoteelada lagu yeesho.

Hadalka Madaxweynaha Somalia ayaa imaanaya xili Musharaxiita u tartamaya xilka Madaxweyne ee Somalia qaarkood ay yimaadeen Muqdisho islamarkaana ay bilaabi doonaan Ololahood Siyaasadeed.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidamo ka tirsan Madaxtooyada iyo kuwa NISA ay carqaladeeyen shir Hoteel Makka Al-mukarama ee magaalada Muqdisho ku lahaayen Odayaal iyo Siyaasiyiin kuwaasi oo qaarkood la jir dilay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com