Xog: Beesha caalamka oo Xasan ku bah-dishay ETHIOPIA (Go’aan)

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud lagu bah-dilay dalka Ethiopia kadib markii beesha caalamka ay amartay inuu dalka kusoo laabto.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in amarkaani ka yimid dhanka xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia, uu ujeedkiisuu yahay in Xassan lagala hadlo natiijo ka soo baxday kulan maalmahaani ay wakiiladu ku qaadanayeen xarunta xalane ee magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Xassan ayaa waxaa sidoo kale lagu wargaliyay in magaalada Muqdisho ay kusoo fool leeyihiin xubno heer caalami ah oo u socda daraaseynta hanaanka doorasho kuwaasi oo la doonaayo inuu la kulmo, sidaana lagu amray inuu kusoo laabto dalka.

Madaxweyne Xassan ayaa lagu wadaa in xubnaha Beesha Caalamka ka jooga Somalia uu warbixino kooban ka siiyo arrimaha doorashada, waxa ayna sidoo kale warbixin kasiin doonaan natiijo kasoo baxday kulamo ku dhawaad Afar cisho qaatay oo ay ku yeesheen xaruntooda xalane.

Siyaasada Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa waxaa xiligaani xasaasi ka qaba wakiilada Beesha Caalamka waxaana lagu wadaa in Xassan uu wakiiladaasi kala kulmo wajiyo ka duwan kuwii hore oo ay kula dhaqmi jireen, sida ay xogtu sheegeyso.

Xassan Sheekh ayaa ku jira ololihiis dib usoo laabasho waxaana sidoo kale jira caqabado kala duwan oo ka heysta dhanka beesha caalamka, waa haddii uusan xalin caqabadaha taagan.

Lagama hordhicikaro wixii kasoo bixi doona kulamada ay wada qaadan doonaan Xassan iyo Beesha Caalamka, inkastoo Xasan uu yahay mid aan caga fiican ku taagneyn.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com