Fowziyo Yusuf Xaji oo shaacisay dhibaatooyin ka hor taagan iney…

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiyo Yuusuf oo soo noqotay wasiirka arimaha dibada ayaa ka hadashay dhibaatooyin badan oo ay sheegtay in dumarka Soomaaliyeed ka hor taagan yihiin horumar ay ka sameeyaan siyaasada Soomaaliya.

Xildhibaan Fowsiyo ayaa dhibaatada ugu daran ee haweenka ka hortaagan dhanka siyaasada iney tahay Dhaqaalo iyo dhanka dhaqanka, waxaana dhaqaalaha xumada ay sheegtay iney ka reebto iney ragga dhanka siyaasada kula tartamaan.

“Gabdhaha dhibaatooyinka badan ee maanta ka haysta horumarka xagga siyaasadda waxa weeye; dhaqankii hore, iyagoo dhinac ka ahaa dad firfircoon baadiyahana ay iyagu wax badan qaban jireen, ayaa la oran jiray gabdhuhu muraayad iskuma arki karaan, middi waxba kuma goosan karaan, sonkorta shaaha kuma cabi karaan, waxyaalo saas ah oo isku dhex jiray ayaa jira”.

Wasiirkii hore ee arimaha dibada ayaa sidoo kale ka sheekeysay xiligii hore sida ay gabadhaha door weyn ugu dhex lahaayeen horumarka dhanka bulshada.

“Wakhtigii Lixdamaaka Dumarku aadbay ula mid ahaayeen ragga, markaad daawato muuqaaladii 50-aad waxaad arkaysay gabdho Soomaaliyeed oo mooto ku wata Xamar markii dambe ee dagaalada dheceen ee ay dhacday dowladdii Siyaad Barre; waxay ahaayeen horumar qeyru caadi ah, Soomaliya gabdheheeda waxay gaareen in Afrikada oo dhani ku faanto ku dayto, dhinac waxay noqdeen guntii reerka isku haysay, dhibaatooyin badan ayaa gabdhigii gaaray, dalku markii dagana wax badan baa kala miirmi doona”.

Xildhibaan Fawsiyo ayaa ugu dambeyn ku baaqday in gacan weyn laga geysto sidii looga qeyb qaadan lahaa in haweenka horumar ka sameeyaan dhanka siyaasada Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com