Xiriirkii la jaray ee Somalia & Iran: Xasan oo arrin cusub shaaciyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sababta ay dowladiisa xiriirka diblumaasiyadeed ugu jartay dowlada Iraan ee mashaariic kala duwan kawada gudaha iyo daafaha Somalia.

Madaxweyne Xassan oo wareysi gaar ah siinaayay Wargeyska Asharq Al-Awsat ee ka soo baxa wadamada Khaliijka, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay xiriirka ugu jartay dowlada Iraan sababo la xiriira cadaawada kala dhexeysa dalalka carabta.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in dowlada Iraan ay kusoo dhaweeyen dalkooda balse ay faraha la gashay howlo aan loo igmad waxa uuna cadeeyay in mudadii ay howsha u joogtay Somalia ay faafineysay feker diimeed.

Xassan Sheekh waxa uu sheegay in sababta ugu weyn oo ay xiriirka ugu jareen Iraan ay tahay in dalka ay ka hirgaliso feker diimeed ay dhibsatay dowlada Somalia, waxa uuna bidhaamiyay in tuhunkaasi ay u hayaan cadeymo muuqda.

Dhowr jeer ayuu sheegay inay isku dayeen inay kaga digaan faafinta feker diimeedka, hayeeshee aysan dhagjalaq usiin sidaana ay go’aan uga gaaren maadaama dalka Somalia laga heysto hal madhab.

Waxa uu sidoo kale cadeeyay in dacwado kala duwan ay u gudbiyeen Xukuumada Iraan, balse aysan helin jawaabo ay ku qancikaraan, taasina ay saraqaaday in dowlada Somalia ay qaadato go’aan cad.

Somalia ayuu sheegay in xiligaani ay dooneyso taageero kala duwan, balse ay ku adag tahay inay qaabisho dhinacyo dano gaar ka leh Somalia, waxa uuna carab dhabay in Somalia aan laga hirgalin doonin feker khalafsan.

Dhanka kale, Madaxweyne Xassan waxa uu sheegay in Somalia ay ku dhaqan yihiin dowlado kala jaan ah balse ay yihiin kuwo dhowra sharciga iyo shacuurta shacabka Soomaaliyeed, hayeeshee dowlada Iraan ay la imaaday tallaabo xad dhaaf ah oo aan saamaxeynin in loo dulqaato.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com