Xog: Xasan Sheekh oo u hanjabay xildhibaanada mucaaradka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan kasoo xiganay ilo wareedyo lagu kalsoon yahay Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa u hanjabay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somalia.

Xildhibaanada uu Xassan Sheekh u hanjabay ayaa u badan kuwa inta badan kasoo horjeeda Siyaasadiisa gaarka ah isla markaana sida ba’an uga hadla Fashilada soo foodsaartay dowlada uu hogaamiyaha ka yahay Xassan Sheekh.

Ilo wareedka waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada loo goodiyay qaarkood ay iminka isaga baxeen dalka iyaga oo miciin biday dalka Kenya iyo dalalka ay dhalashada ka heystaan waxaana la tilmaamay in Hanjabaada Xassan ay timid kadib markii uu isku dayay inuu kala hadlo joojinta dhaliilaha ay u jeedinayaan dowladiisa.

Ilo wareedka ayaa intaa kusii daraaya in Xildhibaanada uu Xassan Sheekh u Hanjabay ay kamid yihiin kuwo xilal kasoo qabtay Xukuumadii KMG aheyd iyo Xildhibaano farabadan kuwaasi oo iminka dalka isaga cararay, sida aan xogta uga helnay xubno ka tirsan Baarlamaanka.

Xildhibaanada uu Xassan Sheekh u Hanjabay ayaa waxaa ku jira Xildhibaano dumar ah kuwaasi oo qeyb ka ahaa kuwa ugu codka dheer Baarlamaanka waxaana iminka yaraaday Xildhibaanada Xassan Sheekh weerarka ku ahaa.

Xildhibaanada Qaar ayaa diiday inay la shaqeeyaan Xassan Sheekh waxa ayna taasi keentay inuu u goodiyo isaga oo u daliilsanaaya ka hor imaanshiyaha danihiisa gaarka ah.

Xildhibaanada ugu badan ee dalka uga cararay Xassan Sheekh ayaa iminka ku sugan magaalada Nairobi kuwaasi oo cabsi dhanka amaanka aawgeed uga baxay dalka, halka qaarna ay madax adeeg kusii joogan magaalada Muqdisho, balse aan ka hadlin Saxaafada.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa cabsi saa’id ah ka qabay Xildhibaanadaasi waxaana lasoo warinayaa in si ganbasho la’aan ah uu u wacay isla markaana u jeediyay digniin iyo hanjabaado wada socda, waxa ayna taasi soo dadajisay inay isaga baxaan dalka.

Ma jiro wax sharci ah oo xiligaani ka shaqeeya dalka Somalia, waana tan sababtay in Madaxda ugu sareysa dalka awoodaha Qaranka u adeegsadaan dadka aaminsan xoriyatul qowlka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com