Intee la’eg tahay awoodda ciidanka badda Soomaaliya?

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin oo Arbacadii kormeer ku tegay taliska ciidanka badda Soomaaliya, ayaa sheegay in ciidanka baddu ay yihiin “kuw ku filan difaaca biyaha Soomaaliyeed.”

Waxaa uu shaaca ka qaaday in Soomaaliya ay leedahay awood ay kaga hortagi karto cid kasta oo kusoo xadgudubta madax banaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, ayna sameyn doonan wax kasta oo dadaal ah.

“Waxaa la’idinka rabaa inaad u diyaar garowdaan, cadowga guduhu waxba nagu qaadan maayo, cadow dibadeedna sidoo kale waxba nagu qaadan maayo,” ayuu yiri Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya.

Taliyaha ayaa sidoo kale amray in ciidamada badda Soomaaliyeed ay si deg-deg ah u howlgalaan, ayna gutaan waajibaadka ka saaran ilaalinta badda Soomaaliyeed.

Soomaaliya ayaa waxaa haatan ciidamo cusub oo badeed usoo tababartay dowladda Eritrea, kuwaas oo sanadkii hore ee 2023 lagu soo celiyay gudaha dalka.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka, Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin ayaa sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in dowladda Soomaaliya ay ka faa’iideysan doonto dhalinyarada cusub ee ku biirtay ciidamada badda, si loo badiyo tiradooda.

Hadabba intee ayay la’eg tahay awoodda Ciidanka Badda Soomaaliya?

Tirada ciidanka badda ee Soomaaliya waa mid kooban, iyada oo booqashadii uu ku tagay taliyaha ciidanka xoogga dalka Sarreeye Gaas ibraahim Sheekh Muxyadiin taliska ciidanka badda kadib, ay warbaahinta dowladdu soo bandhigtay askar ku labisan direyska ciidamada badda ee Soomaaliya,

Sida ay shaacisay shabakadda qiimeynta awoodaha milatari ee dalalka caalamka, Global FirePower, Soomaaliya ma laha Maraakiibta diyaaradaha qaada, kuwa wax burburiya, kuwa biyaha hoostooda mukhuurta, kuwa ilaaliya maraakiibta kale iyo waliba maraakiibta miinooyinka badaha.

Kornayl Macow oo ka faallooda arimaha amaanka iyo ciidamada ayaa sheegay in ciidanka badda Soomaaliya ay jjiraan balse awodda ay leeyihiin ay tahay mid kooban .

Waxaa uu tilmaamay in sanadihii danbe ciidanka badda Soomaaliya dib u dhisa fiican lagu sameeyay wallow aysan awooddin in si buuxada ay u ilaaliyaan dhamaan biyaha Soomaaliya .

“Ciidanka badda Soomaaliya waxaa ay haystaan doomaha dheereeya oo dhowr iyo toban ah, waxaa ay difaaci karaan ilaa 12 mayla oo biyaha Soomaaliya oo keliya, laakin ma awooddan in badda oo dhan ay ilaaliyaan “ ayuu yiri Kornayl Macow oo BBC -da u warramay.

“Ciidankii Soomaaliya ee badda ee lahaa ingineeriga,makaaniga lahaa,oo kuwa quusa lahaa hadda ma jiraan,” ayuu hadalkiisa sii raaciyay .

Inkasta oo sanadihii danbe xeebaha iyo biyaha Soomaaliya ay ilaalinayeen Ciidamada badda caalamiga ah ee la dagaalamaan kooxaha burcad badeedka; Axmed kaboole oo ka falanqeeya arrimaha amniga ayaa qaba in ciidanka badda Soomaaliya uu hadda dib u dhis ku socado balse aysan lahyeen awood badan.

“Waxaan ognahay in Soomaaliya aysan hadda ka jirin ciidan baddeeda oo ka difaac maraakiibta shisheeye ama dal kale oo ku soo xadgudbay,” ayuu yiri Axmed Kaboole.