Soomaaliya: Haddii lugaha igu dhaganeyn Al-Shabaab, Amxaaro ima soo haweysateen

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaan muddo dheerba la yaabanaa muraadka aad leedihiin hadaad tihiin Al Shabaab, balse maanta ayaan xaqiiqda ogaaday.

Shisheeye iyo gaalo ayaad u shaqeysaan, waxaadna u qaabilsan tihiin ineysan dowladda Soomaaliya cagaheeda ku istaagin oo eysan noqon dowlad karti iyo awood u leh iney ilaaliso/difaacdo xuduudaheeda cirka, badda iyo dhulka.

Weynaan idin fahmine markaad tiraahdeen waxaan nahay garab ka tirsan Al Qacida oo aan ognahay inuu Mareykan sameeyay sababta loo abuurayna ay aheyd iney la dagaalaan Ruushka, wexey aheyd inaan fahamno in adinkana la idiin sameeyay inaad ka ilaalisaan iney Soomaaliya yeelato ciidan karti badan oo la awood ah kii ay hore u laheyd ee burburay.

Waxaad sababteeda leedihiin kalluunka la guranaayo, maantana waxaad na soo gaarsiiseen in qeyb ka mid ah dhulkeena iyo baddeena la qaato.

Sida muuqatana ujeedka la idiin dhisay iyo waajibaadka la idin siiyay ayaa ah inaad dhibaatada ku sii heysaan Soomaaliya ilaa inta ay toos u burbureyso oo kala noqoneyso gobollo uu mid walba sheeganayo inuu yahay dowlad madax bannaan, kuwa deriskana ay qabsanayaan qeybo badan oo ka mid ah dhulka iyo badda Soomaaliya.

Ma maantay Xabashi ku dhici laheyd iney u dabaaldegto in haddiyad looga dhigay dhul iyo bad ay Somaliya leedahay hadeysan Al Shabab lugaha igu dhaganeyn?

Geed baa yiri masaarey ima goyseen hadduusan gumacey kugu jirin. Amxaaroy dhulkeyga iyo baddeyda maadan soo haweysateen haddeysan Al Shabab lugaha igu dhaganeyn.

Weydaan karin inaad qirtaan ee waad og tihiin in aanan kalmad been ah idinka sheegin. Gaalaad lugaha noo qabateen ee Ilah baan idiinka baryee dabar go’a oo dhulka ha idin diido.

W/Q: Cali Cabdullaahi Cosoble
Madaxweynihii hore ee HirShabeelle