Xogta howlgal culus oo Al-Shabaab looga dilay horjooge

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in la dilay Horjoogihii kooxda Al-Shabaab u qaabilsana Baadda.

Ciidanka difaaca Shacabka (Macawisley) oo howl-gal culus ka sameeyay deegaanka Galdhabo oo hoostaga magaalada Xarardheere, ayaa halkaasi ku dilay Horjoogihii Baadda u qaabilsanaa Al-Shabaab Xarardheere iyo deegaanada hoostaga.

Horjoogahan ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Bashiir Ciidle Barre, waxaana lagu dilay howl-galkaasi, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen saraakiisha ciidanka.

Bashiir ayaa la dilay habeen hore salaaddii Maqrib kadib waxaana la xaqiijiyey in dhawaan uu dad shacab ah ku laayay deegaanka Howdley oo hoostaga Xarardheere, ayada oo ugu dambeyntii uu ku baxay gacmaha shacabka hubeysan.

Maalmo kahor ayay aheyd markii howl-gal dhanka cirka ah oo ka dhacay deegaanka Nuun-Garre oo hoostaga degmada Awdheegle lagu dilay laba horjooge oo muddooyinkii dambe si aad ah loogu raadjoogay.

Labada horjooge ee lagu dilay howl-galkan ayaa kala ahaa; Cumaraani Maxamed Malaaq oo ahaa horjoogihii deegaanka Bariire iyo horjoogihii baadda iyo boobka dadka beeralayda ah u qaabilsanaa Khawaarijta kaasi oo lagu magacaabi jiray Saabir.

Si kastaba, Dagaalka Al-Shabaab ayaa markale dardar cusub ku socda, xilli uu heer geba-gebo ah marayo wejiga hore ee dagaalka, uuna dhawaan bilaaban doona wejiga labaad ee dagaalka oo ka xoog badnaan doona ka hore.