Iran oo arrin xasaasi ah ku eedeysay Sacuudiga kana digtay in…

Madaxweynaha dalka Iran Xassan Rouhani ayaa wareysi uu siiyey telefishinka dowladiisa ku sheegay in Dowlada Sacuudiga ay tahay mida maalgelisa argagaxisada khal khalka ku haya dalalka Carabta.

Rouhani ayaa sheegay in xiriirka u dhaxeeya IRAN iyo Sacuudiga uusan hagaagi doonin inta Boqortooyada Sacuudiga ay wado maalgelinta iyo abaabulka kooxaha argagaxisada ah, waa siduu hadalka u dhigayee.

“….Sacuudiga wuxuu taageeraa kooxaha argagaxisada ee ka dagaalamaya dalalka Yemen iyo Siirya, inta ay arrintaasi socotana way adkaaneysaa inuu hagaago xiriirka aan la leenahay Sacuudiga…” ayuu yiri Rouhani.

Rouhani ayaa u muuqda inuu isticmaalayo siyaasadii Sacuudiga uu dhawaan xayiraada ku saaray dowlada Qatar, Sacuudiga ayaa Qatar ku eedeeyeen inay iyaduna argagaxisada taageerto.

Dhinaca kale Madaxweynaha Iran ayaa ka hadlay xiisada ka dhaxeysa Maraykanka iyo Tehran ee ku aadan heshiiskii Barnaamijka Nukliyeerka ee la saxiixay sanadkii 2015.

Maraykanka ayaa la hadal hayaa inuu doonayo inuu dib u furo gorgortan cusub oo wax looga bedalayo heshiiskaasi, isla markaana codsanaya in guddiyada kormeerka ee Beesha Caalamka loo fasaxo inay tagaan xarumaha militariga ee dowlada Iran.

Xassan Rouhani ayaa sheegay in dowladiisa aysan wax gorgortan ah kala geli doonin Maraykanka arrimaha heshiiskii horey loo saxiixay ee Barnaamijka Nukliyeerka isla markaana arrintaasi ay kala hadli doonaan oo kaliya hay’ada Qaramada Midoobay u qaabilsan Nukliyeerka ee loo yaqaan IAEA (International Atomic Energy Association).

“…Maraykanka iyo Beesha Caalamka inay kormeeraan Xarumaheena Militariga qeyb kama ahayn heshiiskii 2015, taasina maaha mid aan gorgortan ka galeyno…” ayuu yiri Madaxweynaha Iran oo sheegay in dhankooda ay kasoo baxeen dhamaan shurduudihii ay Beesha Caalamka ku xireen.