Sawiro: Maamulka Banaadir oo maanta fuliyey Ololaha Nadaafadda ee Bilaha ah iyo digniin culus oo loo diray Ganacsatada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Shaqaalaha Dowladda Hoose ee Xamar oo manta ka qeyb qaatay ololaha nadafadda billaha ah ee laga qabto magaalda Muqdisho,

Gudoomiye Ku Xigeenka Maamulka Gobolka Benaadir dhanka maamulka iyo maaliyadda marwo Maluuka Dheere C/qaadir ayaa shaqalaha Dowladda Hoose uga mahad celisay sida habsamida leh ay uga qeyb qaateen shaqaalaha nadafada manta laga sameeyay degmooyinka X/weyne shingaani iyo X/jajab.

Howlaha nadaafadda ee bilaha ah oo uu qabto Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta waxaa laga sameeyey degmooyinka Xamarweyne iyo Shingaani.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Thaabit Cabdi Maxamed ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray sidan  “Waxaan maanta Ololaha Nadaafadda ka fulinay Xamarweyne iyo Shingaani. Waxaa naga go’an Caasimad Nadiif ah, Bilicdeeduna Sareyso. #NabadiyoNolol!”

 Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Maamulka iyo Maaliyadda Maamulka Gobolka Banaadir Maluuka Dheere Sheikh C/qaadir oo Warbaahinta kula hadashay Muqdisho ayaa digniin u jeediysay Ganacsatada Ku nool Magaalada Muqdisho.

Waxa ay sheegtay in tilaabo ay ka qaadi doonaan cidwalba oo lagu helo in ay qashin soo dhigtay Wadooyinka iyo sidoo kale goobaha muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho.

Maluuka Dheere Sheekh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale tilmaamay in laga bilaabo Bilowga Bisha soo socota waxii ka dambeeya cidii horteeda iyo goobaheeda Ganacsi laga helo Qashin in la ganaaxi doono.

Ganacsayada Gobolka Banaadir ayaa lagu amray iney ka shaqeeyaan sidii lagu soo celin lahaa bilicda caasimada Muqdisho,islamarkaana loo nadiifin lahaa qashinka magaalada dhex wareegaya.

Inta badan Ganacsatadda Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa lagu eedeeyaa in ay Wadooyinka Muqdisho ay kusoo shubaan qashinka ,kasoo dhibaato weyn ku haaya Bulshadda.