Iran oo ka hadashay shiico ku fidinta SOMALIA

Muqdisho (Caasimada Online) – Markii ugu horeysay Xukuumadda dalka Iiran ayaa ka hadashay wararka ku aadan in dalka Somaliya ay ka wadaan faafnta Mad-habta Shiicada, xilli Sabtidii la soo dhaafay Nabad Suggida Somaliya ay sheegeen in Rag u dhashay Iiran ay Somaliya ka wadaan faafinta Shiicada.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Iiraan, Xuseen Jaabir Ansaari ayaa hadalkaasi ku sheegay Shirjaraa’id oo Toddobaadle ah oo uu shalay ku qabtay caasimadda dalkaasi ee Tehran.

Sarkaalkaan ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin muwaadiniinta u dhashay dalka Iiraan ee Nabad Suggida Somaliya ay ku xirtay magaalada Muqdisho inay faafinayeen Mad-habta Shiicada.

Waxa uu sheegay inay jirto Isfahan waa taagan, balse Safaarada Iiraan ee Magaalada Muqdisho ay ka codsatay Dowladda Somaliya inay si dhab ah u faah-faahiso, sababta ka dambeysay xarig loo geystay labo Sarkaal oo ka tirsan Safaarada Iiran ee Magaalada Muqdisho.

Hadal qoraal oo uu soo saaray Taliyaha Nabadsugidda ee Gobalka Banaadir ayaa lagu sheegay in Labadaasi qof ku xadgudbeen Marti-gelintii la siiyey, isla markaana ay  faafinayeen Mad-habta Shiicadda.

Safaarada Iiraan ee Magaalada Muqdisho ayaa aad looga xuntaa arimaha ku saabsan inay faafiso Mad-habta Shiicada xilli dalka Somaliya dadka ku nool 100% ay yihiin Dad Islaam ah.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com