Kay oo fariin u diray madaxda gobolada Somalia

Nairobi (Caasimada Online) – Ambasador Nickolas Kay wakiilkii xoghayaha guud ee QM u qaabilsanaa Soomaaliya oo ka tagay xafiiska kadib markii shaqada ay u dhamaatay ayaa ka hadlay xaaladaha dalka Soomaaliya.

Isaga oo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayuu VOA kaga warbixiyay marxalada dalka Soomaaliya uu haatan marayo iyo waxyaabaha u qabsoomay dalka Soomaaliya muddada uu la shaqeynayay madaxda Soomaaliyeed.

Mr Kay, wuxuu sheegay in guulo badan laga gaaray in nidaamka dowladnimada la gaarsiiyo deegaano badan oo ku yaala Soomaaliya oo markii hore uusan gaarsiisneyn.

Wuxuu soo hadal qaaday shirka bisha Janaayo 10 ka dhacaya magaalada Kismaayo oo ay isku arkayaan madaxda maamul goboleedyada dalka iyo madaxda ugu sareyso dalka Soomaaaliya, waxaana looga hadlayaa nooca doorashada ee ka dhaceyso dalka Soomaaliya sanadka soo socdo.

Fariin dardaaran ah ayuu u reebay dadka ku shiraya magaalada Kismaayo, isaga oo shaaciyay in laga doonayo iney ka fararaan aayaha iyo mustaqbalka ummada Soomaaliyeed, maadaama ay hadda hogaanka u hayaan.

Wuxuu sheegay in shirkii Muqdisho la isku raacay in qaab deegaan iyo 4.5 lagu soo doorto xildhibaanada imaanaya, midka Kismaayana lagu shaacin doono natiijada ugu dambeysa.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com