Sawirro: Beesha Ogaadeen oo maleeshiyaad la dagaalama Shariif Xasan abaabuleysa + Warbixin

Asad Cabdullahi MataanBy Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil kasoo jeeda beesha Ogadenia ee ku sugan deegaanka Ceelbarde ayaa Gobolka Bakool kawada abaabul dagaal ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia.

Saraakiisha iyo Maleeshiyada ayaa wada qorsho ay kula dagaalamayaan ciidamada taabacsan maamulka Koonfur galbeed oo jooga qeybo kamid ah Gobolka Bakool.

Saraakiishaani oo hadda ku sugan deegaanka Ceelbarde ayaa waxaa laga ka xeeyay magaalada Kismaayo si ay ula shaqeeyaan maleeshiyaadka Bakool Sare.

Bakool Sare ayaa waxaa ku mideysan Beesha Ogadenia oo ka gadooday madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan.

Qoshaha ugu weyn ee loo uruurinaayo maleeshiyaadka ku sugan deegaanka Ceelbarde ayaa ah inay la dagaalamaan ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ka jooga qeybo kamid ah Gobolka Bakool.

HOOS KA DAAWO SAWIRADDA
Ogaadeen 1

Ogaadeen 2