“Reer Hiiraan wey ku qasban yihiin inay Jowhar usoo martiyaan, cid madiidi karto” Waxaa yiri…

Muqdisho (Caasimada Online) – Odayaasha dhaqanka Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku baaqay in Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Gobolka Hiiraan aysan dayicin fursada ay labada maamul ka heleen DFS.

Nuur Maxamed Cali oo kamid ah Odayaasha Jowhar ayaa sheegay in Gogosha shirka maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay ka fidsan tahay magaalada Jowhar waxa uuna ku taliyay in Odayaasha Hiiraan aysan baalmarin Heshiiskii ay la galeen madaxweye Xassan Sheekh.

Nuur waxa uu tilmaamay in marka la eego qorshaha maamulka loogu dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ay DFS ku tiigsatay dadka degan Sh/Dhexe, balse ay u hogaansan yihiin amarkii kasoo baxay madaxweynaha dalka.

”Dood kama qabno in DFS ay u hiilisay maamulka Hiiraan, waxaase nasiib darro ah in Odayaasha Hiiraan ay muran ka keenaan ka qeybgalka shirka ka furmaaya Jowhar”

”Waxaan oran lahaa Odayaasha Hiiraan waad ku qasban tihiin in aad Jowhar uga soo qeybgashaan shirka, maadaama Dowladu ay dhankiina usoo badatay”

Dowlada Federaalka ayuu Oday Nuur sheegay inay u hiilisay maamulka Hiiraan, waxa uuna tilmaamay in kala guurka ka jira dalka Owgii ay ku sabrayaan islamarkaana ku qaadanayaan in DFS ay u hiiliso maamulka Hiiraan.

Si kastaba ha ahaatee, Nuur Maxamed Cali ayaa maamulka Hiiraan uga digay in waxbadsiga ku jira awgii ay u carqaladeeyaan dhismaha la doonaayo in loo sameeyo maamulada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com