Xildhibaano FASHIL soo bandhigay & mas’uul ka tirsan golaha sare ee BF oo iska fogeeyay (Aqri)

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee BFS Jeylaani Nuur Iikar ayaa si kulul uga jawaabay haddal kasoo yeeray Xildhibaano ka tirsan BFS oo sheegay in guddoonka sare ee BF ay dayaceen kaalintooda.

Jeylaani Nuur Iikar ayaa sheegay in Guddoonka sare uusan gabin howlihii loo igmaday, balse habacsanaantu ay tahay mid ka taagan dhanka gudiyada Baarlamaanka.

Iikar waxa uu tilmaamay in dhaliisha ay tahay mid ka taagan in goortii ay Xildhibaanada ansixiyaan hindisa sharciyeedyada aan lagu dhaqmin oo halkaasi looga aamuso, waxa uuna dhaliisha eedeyntaasi dusha u saaray Guddiyada Baarlamanaka ee u xilsaaran wasaaradaha Xukuumadda oo uu sheegay in iyaga ay gabeen howshooda.

Iikar waxa uu Guddiyada ku dhaliilay in aysan dabagal ku sameyn sharciyo badan oo Baarlamanaka dalka ay horay u ansixiyeen, waxa uuna carab dhabay in Xildhibaanada ay iyaga un isku mashquulsan yihiin.

Sidoo kale, Iikar oo iska fogeynaaya eedeyntaasi ayaa tusaale usoo qaatay in Gudiyada ay ka gaabiyeen dabagalka howlaha shirkadaha Favori iyo AlBayrak ee maamulaha ilaha dhaqaalaha dalka Dekadda iyo Garoonka Muqdisho.

Dhanka kale, Jeylaani Nuur Iikar ayaa Xildhibaanada BFS ugu baaqay in howshooda ay daacad u noqdaan islamarkaana ay si hufan u gutaan shaqooyinka kala go’a ku yimid ee BF horyaala.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com