Shariif Xassan oo waji gabax tii ugu darneyd kala kulmay odayaasha gobolka Bakool kadib markii..

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Somalia Shariif Xassan Sheekh Aadan ayaa ku gacanseeray wada-hadal uu la furay qaar kamid ah Odayaasha kasoo jeeda Gobolka Bakool ee sharci ahaan hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Shariif Xassan oo kulan la qaatay Odayaasha ayaa waxa uu kala hadlay xal u helida cabashooyinka kasoo yeeraya dadka ku nool Gobolka Bakool, waxa uuna Odayaasha isku dayay inuu ka dhaadhiciyo in la ilaaliyo sharciga maamulka islamarkaana aysan sabab u noqon dhibaato ka dhacda Gobolka Bakool.

Shariif Xassan ayaa Odayaasha u sheegay in shaqsi ahaantiisa ay u muuqato in lagu adeeganaayo waxa uuna ku taliyay inaan loo adeegsan burburka maamulka ka jira Bakool, isaga oona ka codsaday inay usoo diyaar garooban wada xoojood si meesha looga saaro mugdiga labada dhan ka dhex jira.

Odayaasha oo ka careysnaa Siyaasadaha maamulka ay kala kulmayaan ayaa Shariif Xassan u sheegay in marnaba aysan ka laaban doonin go’aanka ay ku taageerayaan maamulka cusub ee Bakool Sare waxa ayna Shariif ku eedeeyen in maamulkiisa uu ka hiiliyay beelaha dega Gobolka Bakool.

Maamulka Koonfur Galbeed ayay sheegen in labada Gole ay kusoo kooben kaliya beelo gaar ah, taasina ay ugu wacan tahay inay dhisaan maamulka Bakool.

Shariif Xassan ayay uga cudur daarteen inay ka laabtaan Hanaankooda ku aadan kobcinta dhismaha maamulka cusub iyo in loo sameeyo ciidamo iyo Siyaasad ka madax-banaan kan iminka uu wado maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale, waxa ay Odayaashu Shariif Xassan ka diiden in xiligaani uu la galo heshiis ka dhan ah maamulka Bakool Sare waxa ayna ka codsadeen in la siiyo fursad ay kaga soo tashtaan wixii la quman.

Dhanka kale, Odayaasha ayaa xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed dib uga laabtay iyaga oo aan heshiis la gaarin madaxweyne Shariif Xassan, waxa ayna taasi muujineysaa in maamulka cusub ee Bakool uu la daala-dhacaayo carro ka dhan ah maamulka Koonfur Galbeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com