Guuleed oo ku biiray ololaha Faarax C/Qaadir..!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Gulleed ayaa wada dadaal uu kaga qeybqaadanaayo dhismaha maamulka loo dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhex.

Madaxweyne Gulleed ayaa iminka Tashkiilin ka dhex wada Odayaasha iyo Siyaasiyiinta kasoo kala jeeda labadaasi Gobol, waxa uuna juhdi badan ku bixinayaa sidii maamulkaasi uu madaxweyne ugu noqon lahaa Xildhibaan Faarax C/qaadir oo miiska u saaran Damul-Jadiid.

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa C/kariin Gulleed u xil saaray inuu ku dhex milmo Odayaasha, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahaanada deegaan ahaan kasoo kala jeeda Jowhar iyo Hiiraan waxa uuna ka dalbaday inuu kasoo dhalaalo kaalintiisa.

Gulleed oo ka duulaaya mas’uuliyada uu dusha kasaaray Xassan Sheekh ayaa Odayaasha iyo Siyaasiyiinta kasoo kala jeeda Gobolada la mideynaaya u adeegsanaaya Wasiiro, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka tirsan DFS kana soo jeeda labadaasi Gobol, si ay garab uga siiyaan hirgalinta mas’uuliyada uu Xassan u dhiibay.

Maamulka Gulleed ayaa qudhiisa lagu dhisay qaabka iminka la qorsheeynaayo in maamulka loogu dhiso Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe, waxa uuna madaxweyne Gulleed xiligaani yahay mid dhexda u guntanaaya ka mirro dhalinta hadafka Xassan Sheekh iyo Faarax C/qaadir.

Xassan Sheekh ayaa sidoo kale, ololahaan ka qeybgaliyay Siyaasiyiin ka tirsan Damul-Jadiid kuwaasi oo durbaba gaaray magaalooyinka Hiiraan iyo Jowhar, si ay u muujiyaan baahida la xiriirta in Kooxdu ay maamulka cusub gacanta ku dhigto.

Si dhab ah looma xaqiijinkaro tirada ay mas’uuliyiintaasi dhanyihiin, balse waxaa xusid mudan in C/kariin Gulleed uu yahay shaqsiga xiligaani ugu tunka weyn gudiyada uu Xassan Sheekh hoosta ka abuuray.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com