Xog: R/W C/Weli iyo Baadiyow oo ku fashilmay in ay dhex-dhexaadiyaan KG iyo Jubaland

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar lagu kalsoon yahay oo aan ka helnay ilo ku dhaw maamul goboleedka Koofur Galbeed iyo Jubbaland ayaa noo sheegay in RW hore Cabdiwal Sheekh iyo Cabdiraxman Baadiyow aay ku guul darreysteen olole aay wadeen in aay isku keenaan labada maamul ee KG iyo Jubbaland.

Cabdiwali iyo Baadiyow ayaa u arkay fursad siyaasadeed in aay kala dhex galaan is qabqabsiga soo kala dhex galay labada maamul, iyadoo maalmo ka hor lagu dhawaaqey in seddex degmo aay ka go’een gobolka bakool kuwaasoo la baxay magac Bakool Sare.

Shariif Xasan & Axmed Madoobe ayaa labadaba u deyriyay PM Cabdiwali Sheekh & Baadiyow, labada masuul ayaa gooni gooni ugu sheegay in aanay wakhti isaga lumin in aay dhex-dhexaadiyaan labada dhinac.

Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxa uu kala kulmayaa beesha Digil & Mirifle kuleyl siyaasadeed kaasoo haddii aanan xal loo helin xiisadan aay beelaha Digil Mirifle aay u badan tahay in aay gebi ahaanba ka hor yimaadaan maamulka Sharif Xasan Sheekh Adan.

Qaar ka mid ah beelaha D&M ee dega Bakool ayaa ku jira hub aruursi iyadoo uu horseed ka yihiin siyaasiyiin magac ku dhex leh beesha D&M.

Madaxweynaha Jubbaland oo hadda ku sugan magaalada Addis Ababa, halkaasoo uu u tegay la tashiyo arrimaha ka socda Bakool. Dowladda Itoobiya ayaanan ku qanacsaneyn sida uu wax u wado Shariif Xasan, ayaanan la saadaalin karin dhanka aay taageeri doonaan, walow loo badinaayo in ciidan cusub halkaas keento si aanu dagaal halkaa uga dhicin.

Waa ayaan darro in labadii maamul ee isqabataaba aay talo u tagaan Itoobiya. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamud ayaa gebi ahaanba ku fashilmay maamulka dalka, isagoo uun mar walba ku mashquulsan dhisid dowlad goboleedyo cusub si uu isaga caabiyo xulufeynta ka dhexeysa Gaas & Axmed Madoobe.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
caasimadda@live.com