Xog: DF oo gashay heshiis kheyraadka dalka ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa heshiis la gashay shirkad la sheegay inay tahay Sharci yaqaan heer caalami ah, taasi oo ka caabin doonta dhan waliba iyada oo loo maraayo nidaamka DFS u degsan.

Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Mohamed Mukhtaar Ibraahim, ayaa sheegay in wasaaradu ay heshiiskaasi la gashay La-taliyayaal sharci yaqaan ah kuwaasi oo uu Wasiirku sheegay in DFS ay ku garabsiin doonaan howlaha la xiriira diyaarinta habka Heshiiska wax-soosaar wadaagga ee dhanka Production Sharing Agreement, PSA.

Wasiirku waxa uu sheegay in Heshiiskaasi lagu saleyn doono Nidaamka wax soo saarka DF, waxa uuna tilmaamay in Heshiiska loo raaci doono habka tartanka qandaraasyada furan, oo ay gacan ka geeysatay Hay’adda African Legal Support Facility ee loo soo gaabiyay ”ALSF”.

La-taliyayaasha ay DFS la heshiisay ayaa ku ekaan doono Nidaamyada ah mashruuca wax soo saarka dalka, waxa uuna carabka ku dhuftay wasiirku in Heshiiskaasi uu waxbadan ka bedeli doono khaladaadka ay dhex dabaalaneyso DF.

Mohamed Mukhtaar Ibraahim wuxuu sidoo kale, tilmaamay in Mashruuca wax soo saar wadaaga lagu magacaabo PSA Somalia Toolkit Project, waxa uuna carab dhabay inay ku guuleysatay Hay’adda IMMMA Advocates, oo la sheegay inay xubin buuxda ka tahay DLA Piper Africa Group.

Sidoo kale, Wasaaradu waxa ay intaa ku dartay in Hay’adda African Legal Support Facility ”ASLF”, ay tahay xubin ka tirsan Bangiga Horumarinta Afrika howsheeduna tahay inay ka taakuleeyso dalalka Afrika dhanka gorgortanka heshiisyada ganacsiga ee la xiriira wax soosaarka kheyraadka dabiiciga ah.

Wasaaradu waxa ay intaa warbixinteeda raacisay in lagu guda jiro wakhtigii wax soo saarka Somalia, sidaa awgeedna Somalia ay ka faa’iideysaneyso Kheyraadka.

DFS gaar ahaan wasaarada Batroolka iyo Macdanta, waxay sanadii 2015 codsi usoo gudbiyay ilaa 5 shirkad oo ay kamid ahaayen:

1-IMMMA Advocates – DLA Piper Group (Dar Es Salam).

2-Clyde & Co LLP and Watson Farley & Williams LLP.

Qiimeyn ay wasaaradu ku sameysay 5-ta Shirkadood ayey ka xulatay shirkada IMMMA Advocates oo ka tayo badan 4-ta shirkadood ee laga diiday codsiga, kadib markii IMMMA Advocates ay buuxisay qodobadii ku saleysnaa heshiiska.

Dhanka kale, Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta, Mohamed Mukhtaar Ibraahim, ayaa sheegay in heshiiska wax soo saarka Somalia uu yahay kan kaliya ee dalka kaga bixi karo dhibta dhaqaale ee ka taagan Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com