Beelaha Marka oo ka baxay heshiiskii la gaaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa maalmo un ka hor sheegtay in Heshiis laga gaaray dagaaladii ka socday Magaalada Marka ee Xarunta gobolka Shabellaha Hoose.

Waxgaradka magaalada Marka oo ka jawaabaya haddalka Dowlada ayaa beeniyay in Heshiis laga gaaray dagaalada waxa ayna taasi bedelkeeda sheegen in laga cabsi qabo in Colaada ay iminka dib u bilaabato.
Waxgaradka ayaa sheegay in Heshiiska dhacay uusan aheyn mid sal wanaagsan ku fadhiyay islamarkaana hadda uu buburay, kadib markii Dowlada ay dusha un ka dabooshay Colaada.

Cali Maxamuud Buure oo ah Afhayeenka Odayaasha dhaqan Magaalada Marka ayaa sheegay inuusan jirin wax heshiis ah oo laga gaaray Dagaalkii dhacay weli ay colaadu tahay mid taagan.

Cali Maxamuud wuxuu sheegay in wakhti waliba ay suuragal tahay in Colaada u dhexeysay labada beel ay dib u bilaabato waxa uuna maamulka Marka iyo DFS ugu baaqay inay wax ka bedelaan colaada taagan.

Wuxuu si cad u beeniyay in xal laga gaaray colaada waxa uuna sheegay in Odayaasha aysan mas’uul ka noqon doonin haddii marka uu qarxo dagaal beeleed.

Dhanka kale, waxa uu tilmaamay in Xaafadaha qaar ay ka bilowdeen barakac, taasi oo uu sheegay inay daliil u tahay soo laabashada dagaalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com