IRAN oo shaacisay cidda ay taageereyso dhinacyada isku haya LIBYA (Warbixin)

Istanbul (Caasimada Online) – Dowladda Iran ayaa ku dhowaaqday inay taageereyso dowladda Libya ee sidoo kale Turkiga ay taageeraan, taasi oo ay is-hayaan fallaagada uu hogaamiyo dagaal-ooge Khaliifa Xaftar.

Go’aankan ayaa waxaa ku dhowaaqay wasiirka arrimaha dibedda Iran Javad Zarif, oo shir jaraa’id la qabtay wasiirka arrimaha dibedda Turkey Mevlut Cavusoglu, intii lagu guda jiray booqasho uu ku tegay Istanbul.

“Waxaan raadineynaa xal siyaasadeed oo loo helo xasaradda iyo dagaalka Libya,” ayuu yiri Zarif. “Waxaan taageereynaa dowladda sharciga ah ee Libya. Arrinta Libya waxaan kala aragti nahay Turkiga, oo doonaya in lasoo geba-gebeeyo xasaradaha Libya iyo Yemen,” ayuu ku daray.

Taageerada Iran ee dowladda Libya ayaa ka duwan dalka ay xulufada yihiin ee Syria oo taageeraya dagaal-ooge Khaliif Xaftar. Xaftar ayaa waxaa taageera Ruushka oo ay xulufo yihiin Syria, iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Dagaalka Syria ayaa toddobaadyadii dhowaa is-beddel weyn uu ku yimid ayada oo maleeshiyada dagaal-ooge Khaliifa Xaftar laga qabsaday magaalooyin badan oo ku yaalla galbeedka Libya.

Guul-darrooyinka gaaray Khaliifa Xaftar ayaa meesha ka saaray damicii iyo duulaankii uu waday 14 bilood, ee uu doonayey inuu ku qabsado caasimadda Libya ee Tripoli.