Jaamacadda Carabta oo shaacisay Mowqifkeeda ku aadan WADA-HADALLADA Soomaaliya iyo Somaliland

Muqdisho (Caasimada Online) – Axmed Abuu Al-Qeyd oo ah xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta ayaa ka hadlay arrimo ku aadan xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan wada-hadallada dib u bilowday ee dowladda federaalka iyo maamulka Somaaliland.

Al-Qeyd ayaa sheegay inuu ku faraxsan-yahay dadaallada sii amba-qaadida wada-hadalladaasi, isaga oo madaxweynaha dalka Jabuuti, Mudane  Ismaciil Cumar Geelle ku ammaanay martigalinta shirkaasi oo 14-kii bishan ku qabsoomay caasimada Jabuuti.

Sidoo kale wuxuu fariin boggaadin ah u diray madaxweynaha Soomalaiya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo uu ku boggaadiyey dadaalkiisa ku aadan wada-hadallada u dhexeeya Soomaaliya iyo Somaliland.

Xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta ayaa xusay in ay ka qeyb qaadan doonaan taageerada dadaalladaasi iyo ka mira dhalintooda.

Ugu dambeyn xoghayaha ayaa ballan qaaday in ay sidoo kale  ka gacan ka geysan doonaan arrimaha amniga iyo xasiloonida Soomaaliya.

Hadalkaan ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhowaan Jabuuti ay isu tageen wufuud ay kala hoggaaminayeen madaxweynaha dowladda federaalka iyo midka Somaliland, kuwaas oo wada-hadadallada labada dhinac dib uga bilaabay dalka Jabuuti, kaas oo laga soo saaray war-murtiyeed, sidoo kalena lagu dhisay guddiya farsamo oo u dhexeeya dhinacyadaasi.