Xildhibaan Aadan Barre ‘oo laga xayuubinayo’ xilka hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalka KENYA

Nairobi (Caasimada Online) – In ka badan 100 xildhibaan oo ka tirsan mudanayaasha baarlamaanka dalka Kenya ayaa saxiixay qoraal kalsoonida ay ugagala laabanayaan hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalkaasi, Aadan Barre Ducaale.

Xildhibaanadan oo gaaraya illaa 130 Mudane ayaa qoraalkooda u gudbiyey madaxweynaha wadanka Kenya, Uhuru Kenyatta oo ah hogaamiyaha xisbiga Jubilee.

Sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu guddoomiyo kulan ballaaran oo muhiim ah, kaas oo xildhibaanada baarlamaanka Kenya ay yeelan doonaan maalinta Isniinta ee todobaadkan, waxaana la qorsheynayaa in xilka looga xayuubiyo, Aadan Barre Ducaale.

Wargeysyada waa weyn ee dalka Kenya ayaa sidoo kale qoray in Uhuru Kenyatta uu dib u habeyn ku sameyn doono maamulka dalka Kenya, gaar ahaan xisbiga uu hogaamiyo, iyadoona la filayo inuu isku shaandheyn ku sameeyo golaha wasiirada ee dalka Kenya.

Weli ma cadda sababta rasmiga ah ee looga qaadayo xilka hoggaamiyaha aqlabiyada xildhibaankan oo laga soo doorto gobolka Waqooyi Bari.

Aadan Barre Ducaale oo Soomaali Kenyan ah ayaa muddo ah hoggaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka dalkaasi.