Xog: Diyaarad Kenyan ah oo shalay jebisay amarkii ay soo rogtay DF Soomaaliya

Baraawe (Caasimada Online) – Diyaarad jebisay amarkii dowladda federaalka ayaa shalay si sharci darro qaad uga dejisay garoonka diyaaradaha Baraawe, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Dowladda Soomaaliya ayaa bishii March joojisay dhammaan duulimaadyada dalka, taasi oo qeyb ka ahayd dadaallada looga hortagayo faafitaanka cudurka COVID-19.

Qaadkan ayaa ka yimid dalka Kenya, waxaana dhinaca dhulka laga soo geliyey magaalada Dhoobley, ayada oo kadibna diyaarad ay kasoo qaaday Dhoobley kana soo dejisay garoonka Baraawe, halkaasi oo ay kasii qaadeen doomo geeyey magaalooyin kale oo dalka ka mid ah.

Ilo-wareedyada warkan laga soo xigtay ayaa sheegay inaysan ahayn markii ugu horreysay ee qaad laga soo dejiyey garoonka Baraawe, waxaana diyaaradaha qaadka soo gelinaya dalka ay mar walba adeegsanayaan xeelad cusub.

Diyaaraddii u dambeysay ee shalay qaadka gaysay Baraawe, ayaa la sheegay inay hawada Soomaaliya kusoo gashay inay waddo howlgal bani’aadannimo balse markii dambe ay beddelatay khadka, kadibna qaadka kasoo qaaday Dhoobley oo baabuur lagu soo geliyey.

Waxaa la rumeysan yahay in diyaardaha samaynaya xadgudubkan ay la shaqeynayaan xubno ka tirsan dowladda federaalka, balse ma cadda kuwa ay yihiin.

Ganacsatada qaadka ayaa la rumeysan yahay inay yihiin kuwa awood badan, islamarkaana saameynta ay ku dhex leeyihiin dowladda iyo lacag badan oo laaluusha ah u adeegsanayaan inay jebiyaan xayiraadda saaran diyaaradaha ee ay soo rogtay dowladda.