Muxuu ka badalay dareenka shacabka SSC qoraalkii Twitter-ka ee wasiir Bidhaan?

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda Cabdillahi Bidhaan Warsame ayaa habeenkii khamiista soo dhigay qoraal uu ugu xaqiijiyey bulshada deegaanada SSC in madaxda Dowladda Federal-ka ah ay ka go’antahay midnimada dalka Soomaaliya.

Qoraalka Wasiirka ayaa ku soo aaday xilli dadka deegaankaas ay walaac badan ka muujiyeen wadahaladdii DFS ay Jabuuti kula gashay Somaliland.

Dadka deegaanka ayaa ka wal walsanaa masiirkooda maadama aan laga qeybgalin wadahallada taas oo ahayd shuruud ay Somaliland ku xirtay in dadka Gobollada Waqooyi aysan qeyb ka noqon wadahadallada.

Walow ay dad badani arrintaas dhallileen hadana qoraalka Wasiir Bidhaan ayaa u muuqday mid dajisay dadka deegaanka oo uu isaguba ka soo jeedo.

Qoraalka Wasiirka ayaa sidan u dhignaa: “Waxaan maanta ka qeybgalay kulan ay isugu yimaadeen bulshada SSC. Anigoo garowsan dadaalka ay dadkaasi ku bixiyeen in la helo midnimo Soomaaliyeed. Waxaan la wadaagay xog ogaalnimadeyda shirkii Jabuuti iyo sida ay madaxda DFS uga go’antahay ka miro dhalinta midnimada dalka.”

Maxaa laga fahmi karaa qoraalka?

Dhigaalka Wasiirka oo u muuqda mid farriin qoto dheer bixinaya ayaa laga dhadhansan karaa in Madaxa Dowladda ay iyagu matalayeen dadka Midniada raba oo aan ku goobneen deegaanada SSC balse ay xataa ku jiraan dad kale sida Gobolka Awdal iyo beelaha qaar ee Gobollada loo yaqaan kuwa “Beesha Dhexe”.

Dhinaca kale Wasiirka ayaa qaatay door wanaagsan marka la eego sida uu ugu xog warramay qeybaha kala duwan ee bulshada uu matala kaddib sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah bulshada deegaankaas oo nala soo xiriiyey kana qeybgalay kulan qado ah oo uu Wasiirka Khamiistii Hotel Decale ku yeeshay Xildhibaanada labada Gole, siyaasiin hore iyo dhallinyarada deegaankaas.

Waxyaabaha kulankaas looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa sida aan xogta ku helnay horumarka deegaanada Sool, Sanaag iyo Cayn iyo doorashooyinka soo socda oo la filayo in markan ay ka dhacaan halkaas.

Wasiir Cabdillhi Bidhaan waxa uu ka mid yahay xubnaha Golaha Wasiiradda ee Xukuumadda Nabad iyo Nolol kuwooda ugu saameynta badan.