Iran oo shaacisay nooca tallaabo ee ay Mareykanka uga aargudan doonto

Tehran (Caasimada Online) – La-taliyaha dhanka militariga ee hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran ayaa sheegay in tallaabada Iran ay uga aargudan doonto dilka Jeneraalkeedii sare ee Qassem Soleimani ay noqon doonto “mid militari”.

Wareysi ii siiyey CNN, ayaa la-tliyaha – Major General Hossein Dehghan – waxa uu ku sheegay in Iran ay si toos ah u beegsan doonto goobo militari oo Mareykanka uu leeyahay.

Dehghan, oo horey usoo noqday wasiirka gaashaandhigga Iran, ayaa sidoo kale sheegay in jawaabtan ay toos uga iman doonto Iran, oo aanay soo marsiin doonon mid ka mid ah maleeshiyooyinka ay taageerto ee Bariga Dhexe.

“Waxaa lagu doodi karaa inaan adeegsan doonno kooxo. Waxaan u sheegayaa America, Trump waxa uu naga qaaday tallaabo toos ah – Sidaas darteed, waxaan ka qaadi doonnaa tallaabo toos ah.” Ayuu yiri Hossein Dehghan.

Waxa uu sidoo kale sheegay in Iran aysan ku deg degi doonin inay aargudato, balse ay si taxaddar leh u dooran doonto bartilmaameedyada ay beegsan doonto.

“Fal-celinteena waxay noqon doontaa mid xikmadeysan, oo waqti laga fiirsaday, islamarkaana wadata saameyn xooggan.” Ayuu yiri Dehghan.

Madaxweynaha Iran Hassan Rouhani ayaa horey u sheegay in Mareykanka ay wajihi doonaan cawaaqibka dilkii ay u gaysteen Qassem Soleimani.

Trump ayaa isna ku hanjabay in haddii Iran ay aragudato, uu Mareykanka diyaariyey 52 goobood oo ku yaalla dalkaas, oo uu beegsan doono.