Madaxweyne Trump oo u hanjabay dalka Iraq kadib go’aankii baarlamaanka

Washington (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ugu hanjabay Iraq inay wajihi doonto cunaqabateyn xooggan oo kaga timaada Washington haddii ay ciidamadiisa kasoo eryaan dalkaas.

Baarlamanka dalka Iraq ayaa Axaddii meel-mariyey qaraar dalbanaya in ciidamada ajnabiga ah, oo ay ku jiraan kuwa Mareykanka laga saara dalka, xilli ay sii kordheyso carrada ka dhalatay dilka Jeneral Iranian ah oo Mareykanka ay ku dileeen agagaarka garoonka diyaaradaha Baghdad.

Madaxweyne Trump oo weriyayaasha kula hadlayey gobolka Florida, ayaa sheegay in haddii ciidamada Mareykanka lagu qasbo inay ka baxaan Iraq, ay ka doonayaan dowladda dalkaas inay bixiso qarashkii Washington uga baxay saldhigga halkaas ku yaalla, oo “si aan caadi ahayn qaali u ah.”

Waxa uu yiri, in haddii ciidamada Mareykanka la weydiisto inay dalka uga tagaan hab aan saaxiibtinimo ahayn, “waxaan ku dallici doonnaa cunaqabateyn aan weligeed horey loo arag. Waxay cunaqabateynta Iran ka dhigi doonto mid jilicsan.”

Inkasta oo qaraarada baarlamanada aysan ahayn kuwa ay qasab tahay in la dhaqan geliyo, haddana qaraarka baarlamanka Iraq waa mid u eg in la tixgelin doono.

Ra’iisul wasaare Adel Abdul Mahdi, ayaa horey baarlamanka ugu baaqay inay sida ugu dhaqsaha badan uguna macquulsan usoo geba-gebeeyaan joogitaanka ciidamada shisheeye ee dalkaas.

Qiyaastii 5,000 oo askari oo Mareykan ah ayaa ku sugan dalka Iraq, kuwaas oo badankood u joogo kaalin la-taliyenimo.

VOA