Iran: Riyadh iyo Abu-Dhabi dhulka ayaan gantaalaha ballistic kula simi doonnaa

Tehran (Caasimada Online) – Muuqaal baahay ayey Iran ugu hanjabtay caasimadaha Sucuudiga iyo Imaaraadka in ay ku duqeyn dooonto gantaalo ay ciqaab culus uga dhigeyso oo ah kuwa riddada dheer.

Warbaahin ka ag dhaw xoogagga mayalka adag ee ilaalada kacaanka Islaamiga ah ee Iran ayaa ugu hanjabay caasimadaha Sucuudi Careebiya iyo Imaaraadka Carabta in ay ku duqeynayaan gantaalaha ballistic-ga.

Wakaaladda wararka Iran ayaa soo dhigtay muuqaalka oo muujinaya xoogagga mayalka adag ee ah ilaalada kacaanka oo gantaalada riddada dheer ku ku foorariyey dhinaca Abu Dhabi iyo Riyaad. Muuqaalka waxa uu sidoo kale u hanjabayaa Israel.

Muuqaalka oo hadda la tirtiray waxaa uu ka soo muuqday Twitter-ka, isaga oo gobolka ka abuuray xiisad  kaddib markii ay kooxo maleeshiyaad ah ay weerareen ciidamo Iran-niyiin ah oo dhoolatus sameenayey.

Hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran Ayatollah Ali Khamenei, waxa uu weerarki ka dhacay Ahvaz, oo ay ugu yaraan 25-ka qof ku dhinteen kuna dhaawacmeen 60-ka kale ku eedeeyey dowladaha gacanka ee uu taageero Mareykanka.

Cabsidan waxa ay sii kicisay xasillooni darrddii ka jirtay gacanka Persia xilli Iran lagu soo rogay cunaqabateynta markii uu Mareykanka ka baxay heshiiskii Nuliyeerka ee uu Tehran kula jiray, halka Sucuudiga iyo Imaaraadkana ay guuldarro kala kulmeen dagaalka socda ee Yaman.

Dhinaca kale Iran waxa ay aqoonsatay shan nin oo ka dambeeyey weerarka iyada oo ku eedeysay in ay ka dambeeyeen Carabta gooni u goosadka ah ee dalkeeda.

Ugu yaraan laba ka mid ah ragga la qabtay waxaa lagu arkay muuqalka ay baahiyeen dowladda Khilaafada Islaamka ee Daacish, oo iyagu sheegtay mas’uuliyadda weerarka.

Iran laba jeer ayey caro darteed u ridday gantaaleheeda sanadihii dhawaa. 2017 waxa ay ku duqeysay kooxaha ka dagaalama Suuriya iyada oo ka jawaabeysay weerar ay Tehran ku qaadeen Khilaafada Islaam-ka kooxda sheegata. Hadana bishan waxa ay ku weerartay kulan ay Waqooyiga Ciraaq ku lahaayeen Kurdiyiiinta Iran ee gooni ogoosadka ah.

Caasimada Online
Xafiiska Jeddah
caasimada@live.com