Is-barbar dhig: Awoodda militeri ee Pakistan & India

Ayadoo ay Xiisad Colaadeed ka dhexeyso Labadaasi Waddan ayaa waxaa la saadaalin karin qaabka uu noqon doono Dagaalkaasi, muddada u usocon karo iyo haddii ay Labada Milliteri isku adeegsan doonaan Hubka Nukliyeerka.

Khubarada Milliteriga ayaa rumeysan inay Labada dowladood miisaaniyad xooggan ku bixiyaan Awoodda Milliteriga, iyadoo uu Tartan ka dhexeeyo dhimaha Milliteriga, Qalabkooda iyo Tayadooda.

Machadka Caalamiga ee Daraasaadka Istaraatijiyadda ee IISS iyo Ururka Kontoroolka Hubka ee ee dalka Maraykanka waxay so osaareen tiro-koobkii ugu dambeeyey ee Awoodda Milliteri ee u dhexeysa Pakistan iyo Hindiya.

Warbixinta waxaa lagu sheegay inay Pakistan hawlaha Milliteriga kiu kharaj gareysay in ka badan 11 Billion oo Dollar oo u dhiganta 3.6%halka Hindiya ku bixiso Hawlaha Difaaca lacag dhan 58 Billion oo Dollaroo u dhiganta 2.1%

Tiro-koobkaasi ayaa muujinaya inay Dowladda Hindiya kharaj ka badan kan Pakistan ku bixiyaan Hawlaha Difaaca.

Dalka  Pakistan waxaa ku nool in ka badan 200 million oo qof, waxay leedahay Ciiddan  tiradiisu dhan tahay 653,800 Askari.

Milliteriga Pakistan waxay haystaan 2,496 Taangi, 1,605 Gawaarida Gaashaaman ee Ciiddanka lagu qaado, 4.472 Madaafiicda Goobta.

Dalka Hindiya waxaa ku nool in ka badan 1.3 Billion oo qof, waxayna leeyihiin ciiddan ka badan 1.4 million oo qof.

Dhinaca kale, Hindiya waxay haystaan in ka badan 3,565 Taangi, 336 Gawaarida Gaashaman ee Ciiddamada lagu daad-gureeyo iyo 9,719 oo Madfac.

Diyaaradaha Dagalaka waxay Hindiya haystaan 814 Diyaarad, halka Pakistan leedahay 425 Diyaaradaha Dagaalka.

Ciiddanka Badda ee dalka Hindiya waxay leeyihiin hal markab Diyaard-xambaare ah, 16 Maraakiibta badda quusa ee Gujiska, 13 Markab dagaal, 14 Marakiibta wax burburiya, 106 Doonyaha ilaaladda xeebaha  iyo 75 Diyaaradaha  Ammaanka Xeebaha iyo 67,700 Ciiddanka Mariiniska.

Dalka Pakistan waxay leeyihiin 23,800 oo Ciiddanka Badda, 8 Maraakiibta badda quusa ee Gujiska, 9 Markab, 17 Doonyaha lagu ilaaleeyo Xeebaha iyo 8 Diyaaradaha loo adeegsado ilaaladda iyo difaaca xeebaha.

Ugu dambeyntii, Milliterigadalka Hindiya waxay haystaan 130 ilaa 140 Madaxyadda hubka wax gumaada ee Nukliyeerka, halka Milliteriga Pakistan ay ka haystaan 140 ilaa 150 Madaxyadda hubka Nukliyeerka.