25.1 C
Mogadishu
Sunday, June 29, 2025

Is-beddel kale oo ku yimid doorashada madaxweynaha GALMUDUG ee garabka DF

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Guddiga doorashada madaxweynaha Galmudug ee garabka ay taageersan tahay dowladda federaalka ayaa ku dhowaaqay in muddo saddex maalin ah dib loo dhigay doorashada madaxweynaha.

Doorashada, oo qorshuhu ahaa inay dhacdo Khamiista, ayaa hadda laga dhigay maalinta Axadda ee labada bisha Febraayo.

Guddiga ayaa sheegay inay go’aankan qaateen kadib codsi ka yimid guddoomiyaha baarlamanka Galmudug ee garabka dowladda Maxamed Nuur Gacal, iyo qaar ka mid ah musharaxiinta maanta khudbadaha u jeediyey baarlamanka uu hogaamiyo Gacal.

Hase yeeshee ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in dib u dhigistan ay ku timid cadaadiska beesha caalamka, oo dowladda uga digtay inay qabato doorasho aan loo dhameyn.

Qoraal ay shalay soo saareen ayaa Saaxiibada Caalamka ee Soomaaliya waxay ku sheegeen inay ka walaacsan yihiin xaaladihii ugu dambeeyey ee kasoo ifbaxay Galmudug, intii lagu guda jiray marxaladdii geba-gebada ee dadaalka socday bilaha ee maamulka cusub loogu dhisayo Galmudug.

Doorashada ayaa waxaa diiday musharaxiinta mucaaradka, oo sheegay in nidaamka ay wax u waddo dowladda aysan doorasho ku gali karin.

Dhinaca kale, go’aanka doorashad adib loogu dhigay illaa Axadda ayaa imanaya ayada oo maanta Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan loo doortay madaxweynaha Galmudug ee garabka Ahlu-Sunna Waljamaca, kadib codeyn ka dhacday magaalada Dhuusomareeb.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa waxaa doortay xildhibaanada baarlamanka Galmudug ee shalay ay soo dhistay Ahlu-Sunna.

- Advertisement -

Read more

Local News