Is-rasaaseyn uu ku leg leeyahay sarkaal ka tirsanaa Ciidanka Badbaado Qaran oo Muqdisho ka dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahin ayaa kasoo baxeysa Israsaaseyn ciidamo ka wada tirsan kuwa Milateriga dowladda Federaalka Soomaaliya maanta ku dhexmartay magaalada Muqdisho.

Israsaaseynta ayaa dhexmartay ciidamo ka amar qaata sarkaal lagu magacaabo Liibaan madaxweyne iyo ciidamo militari ah, waxaana ay rasaasta bilaabatay kadib markii ciidanka militariga rasaas ay ku furanayeen ciriir ka jiray Isgoyska Warshadda Caanaha ay ka shakiyeen ciidanka Liibaan Madaxweyne oo ku sugnaa goobta.

Liibaan Madaxweyne ayaa ka mid ahaa saraakiishii hoggaamineysay Ciidamada Badbaado Qaran ee ka hortagay muddo kororsigii madaxweyne Farmaajo, islamarkaana horseeday in la helo heshiis doorasho.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in israsaaseynta ciidamada dowladda ay ka gaysatay khasaaro isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana ku dhintay hal qof oo shacab ahaa, halka mid kalen uu dhaawac soo gaaray.

Goor dambe ayaa la sheegay in saraakiisha ciidamada ee is-rasaaseeyay ay is fahmeen, waxaana kadib si caadi ah dib ugu soo laabtay isku socodka gaadiidka iyo dadka ee Isgoyska Warshadda Caanaha oo daqiiqado kooban hakad galay.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhowr jeer oo horey sidaan oo kale ay is-rasaaseyn geysatay khasaaro kala duwan ay ku dhexmartay cidamo ka wada tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, oo inta badan kala shakiyey.