Wasiirkii Arrimaha Gudaha Galmudug oo xilka laga qaaday

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuixigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa xil ka qaadis ku sameeyay Wasiirka Arrimaha Gudaha Galmudug Cabdi Mohamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Waraaqda xilka looga qaaday Wasiirkii Arrimaha Gudaha ee Galmudug ayaa waxay kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Galmudug, waxaana ku saxiixnaa madaxweyne ku-xigeenka Galmudug oo hadda si ku meel gar ah xilka u hayo, maadaama Qoor Qoor uu ku sugan yahay Muqdisho.

Xil ka qaadistan ayaa daba socota xiisad ka dhalatay dhismaha golaha deegaanka Balanbale oo la isku qabsaday qaabkii xubnaha deegaanka loo qeybiyay, taasi oo maamulka Galmudug uu ka hor-yimid

Dhismaha Golaha deegaanka Balanbale ayaa waxaa ka dhalatay colaad dhanka qabiilka ah, waxayna Galmudug hakad gelisay dhismaha maamulkaas kadib markii beel kamid ah beelaha dago Balanbale la siiyey tirada ugu badan xubnaha deegaankaas.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa lagu eedeeyey inuu isaga ka dambeeyo qaabka loo xulayo xubnaha deegaanka Balanbale, waxayna taas keentay in ugu dambeyn uu xilkiisa ku waayo.

Halkaan hoose ka akhriso waraaqda xil ka qaadista