Dowladda Qatar oo farriin cusub usoo dirtay Soomaaliya

Doha (Caasimada Online) – Dowladda Qatar ayaa farriin taageero iyo is-garabtaag ah usoo dirtay Soomaaliya, kadib qaraxii xalay ka dhacay magaalada Baydhaba oo lagu dilay dad shacab ah, kuwa kalena lagu dhaawacay.

Qaraxa ayaa ka dhacay suuqa qaadka lagu iibiyo ee bartamaha magaalada Baydhaba, xili ay ka taagneyd saxmad aad u badan, sida ay Caasimada Online u sheegen dad goobjoog ah, waxaana uu sababay dhimashada 3 qof iyo dhaawaca 7 qof kale.

War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda Qatar ayaa lagu sheegay in Doha ay si xooggan u cambaareyneyso qaraxaas, oo lagu beegsaday laguna dilay oo lagu dhaawacay dad shacab ah. 

Bayaanka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Qatar ayaa intaas ku daray in dowladda ay mowqif adag ka taagan tahay diidmada rabshadaha argagixisada, ujeeedka ay doonaan ha lahaadaan’e.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in Qatar ay tacsi u direyso qoysaska dhibanayaasha iyo dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, ayna u rajeyneyso kuwa dhaawaca ah inay deg deg usoo bogsadaan.

Cambaareynta Qatar ayaa imaneysa xilli Qatar lafteeda horey loogu eedeeyey inay ku lug leedahay qaar ka mid ah weerarada argagixiso ee ka dhaca gudaha Soomaaliya.

Bishii July ee 2019, wargeyska New York Times ee laga leeyahay dalka Mareykanka  ayaa daabacay cod maqal ah oo ay kuwada sheekeysteen nin ganacsade ah oo u dhaw Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Safiirka Qatar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamsa iyagoo kawada hadlaya qarax ka dhacay Boosaaso iyo dil isla magaalada loogu gaystay madaxii DP World ee dekadda Boosaaso.

Ganacsadaha ayaa u sheegay safiirka iney ka warqabaan dilka iyo qaraxa oo sida uu sheegay ay ka dambeeyaan xulafadooda, si Imaaradka uu uga guuro magaalada Boosaaso cabsi darteed. Qaraxaas Qaraxaas, oo ay sheegatay kooxda Daacish ayaa waxaa ku dhaawacmay 8 qof.