Sawir: Sacuudi Carabiya oo bedeshay astaantii gaallada u diideysay inay galaan Medina

Medina (Caasimada Online) – Mas’uuliyiinta Sacuudi Carabiya ayaa beddelay astaantii ay ku qorneyd “Muslimiinta Kaliya” ee ku dhegganeyd waddo gasha Masjidka Nebiga SCW ee magaalada Medina, oo ah goobta labaad ee ugu barakeysan Islaamka kadib Makkah.

Muuqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya in waddaddii lagu fujiyey astaantaas lagu dhejiyey mid cusub oo ah “Aagga Xaramka” oo loola jeedo Xaramka Medina. 

Ma cadd sababta ay dowladda Sacuudiga u qaaday tallaabadan, mana jiro wax rasmi ah oo kasoo baxay, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inay dhiiri-gelineyso in gaalada ay tegi karaan magaalada, xilli ay dooneyso inay sare u qaaddo dalxiiska.

Qaar ka mid ah muwaadiniinta Sacuudiga ayaa amaanay tallaabadan ayaga oo sheegay inay muujineyso in boqortooyada ay dulqaad u muujineyso dadka aan Muslimiinta aheyn oo laga mamnuucay inay galaan goobaha barakeysan.

Marka ay noqoto magaalada Medina, gaallada ayaa waxaa ka mamnuuc ah kaliya inay tagaan Masjidka Nebiga SCW iyo hareerihiisa, hase yeeshee magaalada kale waa ay tegi karaan. 

Waxay sidoo kale ku doodeen inay tani ay dhiiri-gelin karto dalxiiska kuwa aan Muslimiinta aheyn iyo dadka haysta dhaqamada iyo diimaha kala duwan, taasi oo gacan ka gaysan karta qorshaha dhaqaalaha dalkaas sare loogu qaadayo ee Vision 2030, ee uu billaabay dhaxal-sugaha dalkaas Mohamed Bin Salman.