Xog: ROOBLE oo safar ugu baxaya KENYA + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu wada inuu safar ugu ambabaxo magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida qorshaha uu yahay Rooble iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa tagi doona Kenya, kadib markii  heshiis laga gaaray khilaafkii doorashada ee mudada badan soo jiitamayay, kaasi oo muddooyinkii dambe uu ku howlanaa ra’iisal wasaaraha.

Xogta ayaa sheegaysa in ra’iisal wasaaraha uu casuumad rasmi ah ka helay madaxweynaha dalka Kenya, Uhuru Kenyatta, waxaana lagu wadaa in safarkaan uu noqdo mid xal looga gaaro mad-madowga soo kala dhex-galay labada dal.

Weli lama shaacin taariikhda rasmiga ah ee safarka Rooble, waxaase loo badinayaa toddobaadkan gudihiis. Rooble iyo Kenyatta ayaa laba toddobaad kahor si kooban ugu kulmay Jabuuti, halkaasi oo ay uga wada qeyb galeen caleemo-saarkii madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle.

Kenya ayaa hore xayiraad ugu soo rogtay duulimaadyada iskaga kala goosha labada dal, taasi oo saameyn xoogan ku yeelatay isku socodka labada dal, waxayna dad badan ku kala xaniban-yihiin caasimadaha labada dal, ayada oo go’aankan uu dhaawac xooggan gaarsiiyey ganacsatada Soomaaliyeed.

Safarka Rooble ayaa waxaa la filaya in xal looga gaaro arrinta duulimaadyada, ayada oo meesha laga saarayo khilaafka soo cusboonaaday ee labada dal, xili si rasmi ah dib loogu soo celiyay xiriirkii diblumaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Kenya.

Ra’iisal wasaare Rooble ayaa ku guuleystay in dalka uu u jiheeyo dhankaa iyo doorasho, isagoo dib usoo celiyay is-aaminadii madaxda dowladda, kuwa maamul goboleedyada iyo saamileyda siyaasada oo hore ugu kala tagay khilaafka doorashada.

Ilaa iyo hadda lama ogo in safarka Rooble uu qeyb ka yahay is-faham ay labada dal ka galayaan arrinta qaadka oo keentay in Kenya ay xayiraad kusoo rogto duulimaadyada, midaasi oo ganacsatada qaadka Kenya ay cadaadis hor leh ku saarayaan dowladdooda Kenya.