Mahad Salaad oo tallaabadii uu qaaday Cabdi Waayeel la xiriiriyey xiisadda Gedo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa qoraal uu soo saaray waxa uu uga fal-celiyey xil ka qaadistii uu maanta madaxweyne ku xigeenka Galmudug ku sameeyey wasiirkii arrimaha gudaha Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Waayeel).

Xildhibaanka ayaa xil ka qaadista Cabdi Waayeel la xariiriyey xiisadda maamul ee ka taagan gobolka Gedo ee Jubbaland, isagoo sheegay inuu Madaxweyne Farmaajo wakil uga ahaa inuu xasarad ka abuuro Galmudug.

Wasiir Cabdi Waayeel ayaa lagu eedeeyey inuu u kala eexday laba beelood oo wada dega magaalada Balambal ee gobolka Galgaduud, kadib markii uu dhawaan shaaciyey liiska gole deegaanka oo Balambal uu u dhisay, kuwaas oo ku koobnaa beeshiisa.

“Cabdi Waayeel wuxuu islahaa fidnadii Farmaajo Gedo ka sameeyay mid la mid ah adiguna Galmudug ka sameey isagoo Farmaajo wakiil uga ah. Lkn Ilaahey mahadiis madaxda Galmudug goor hore ayay fahamtay dhagartiisa,” ayuu Mahad Salaad ku yiri qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook-ga.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa madaxweyne ku xigeenka Galmudug uga mahad celiyey tallaabadii uu xilka uga qaaday Wasiir Cabdi Waayeel.

“Waxaan uga mahadcelinayaa Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid go’aanka geesinimada leh ee uu qaatay iyo sida Galmudug uu uga badbaadiyay fidnada ay kula meeraysanayeen Cabdi Waayeel iyo qoloda shirkada kula ah,” ayuu yiri Mahad Salaad.

Daqiiqado kadib laba habeen ka hor markii wasaaradda arrimaha Galmudug ay shaacisay liiska golaha deegaanka Balambal, waxaa si adag uga hor yimid siyaasiyiin ay ugu horeeyaan Xildhibaan Mahad Salaad iyo guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda maamulka gobolka Banaadir Cali Yare oo beeshoodu ay wax ka degto Balambal.

Wasiirka ayaa la sheegay inuu dhegaha ka fureystay amar uga yimid madaxweynaha Galmudug oo ahaa inuu hakiyo dhismaha golaha deegaanka Balambal oo ay isku heystaan beelaha Mareexaan iyo Habargidir, kuwaas hadda qarka u saaran inay isku dhacaan, waxaana la sheegay in xil ka qaadistaan lagu qaboojinayo xiisadda.

Hoos ka eeg warqadda xil ka qaadista