Sawirro: Saddex dhinac oo iska kaashanaya sugidda amniga doorashooyinka

Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta kulan ku yeeshay Teendhada Afisiyooni Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta, Madaxda Shanta Dowlad Goboleed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wakiilada Beesha Caalamka.

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir guddoominayey kulanka, waxayna wararka sheegayaan in looga hadlay sidii loo fulin lahaa heshiiskii ay Khamiistii Muqdisho ku kala saxiideyn Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Sidoo kale kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo sugi lahaa amniga doorashooyinka, islamarkaana amniga loogu wareejin lahaa saddex dhinaca oo kale; Ciidamo Boolis ah oo ka socdo Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada iyo Howlgalka Midowga Africa ee AMISOM.

Rooble ayaa Beesha Caalamka uga warbixiyey heshiiskii ay wada saxiixdeyn madaxda Maamul Goboleedyada iyo Dowlada Dhexe, waxayna Rooble iyo Madaxda Maamu Goboleedyada si wadajir ah uga codsadeyn beesha Caalamka inay fududeyso lacagaha doorashada oo xoogeeda iyaga laga sugayo.

Wakiilada beesha caalamka u jooga Soomaaliya ayaa bogaadiyay heshiiskii uu hormuudka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha ee Khamiistii laga gaaray arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo ballan qaaday sida ay uga go’an tahay taageeridda dhaqan gelinta heshiiska doorashooyinka ee la saxiixay.

Doorashada Soomaaliya ayaa waxaa ku baxeyso lacag aad u badan, waxaana 10 Malyan oo kamid ah laga sugayaa Qaramada Midoobay, UK, Mareykanka iyo Midowga Yurub.

Khamiistii la soo dhaafay ayaa Ra’iisul Wasaare Rooble, Madaxda Shanta Dowlad Goboleedyada, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir waxaa ay siwadajir ah u saxiixeen heshiis doorasho oo ay ku gaareen Shir Afar Maalin uga socda Teendhada Afisiyooni ee Magaalada Muqdisho.