Sawirro: DF Soomaaliya oo soo bandhigtay CIIDAMO cusub oo loo soo tababaray

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo ka mid ah kuwa Kumaandooska Gorgor ee Xoogga dalka Soomaaliyeed, kuwaas oo tababar culus kusoo qaatay gudaha dalka Turkiga.

Ciidamadan oo soo qatay tababar noocyo kala duwan leh ayaa tababarka loogu soo xiray Dugsiga Isparta ee Dalka Turkiga, waxaana munaasabadda xiritaanka tartankaasi ka qeyb-galay saraakiil ka kala tirsan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowladda Turkiga.

Sidoo kale ciidamada tababarka loo soo xiray ayaa goobtaw axa ay ku soo bandhigeen dhoolatus iyo gaaddo ka ciyaar aad u sarreeya.

General Maxamed Maxamuud Xuseen (Garabey) oo ah u qeybsanaha arrimaha ciidamada ee safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga oo madasha ka hadlay ayaa ayaa sheegay in dufacddan tii 7-aad ee lagu soo tababara Turkiga, ayna sii socon doonaan tababarada.

Sidoo kale wuxuu uga mahadceliyey dowladda Turkiga, sida ay Soomaaliya uga caawineyso dib u dhiska ciidamada Xoogga dalka.

“Runtii maanta waa maalin weyn oo maalmaha wanaagsan na soo maray ka mid, waa xafladii todobaad, haddana wey sii soconeysaa, waxaana nasiib wanaag inoo ah inaan maqalno in dhalinyaro ka mid ah ciidanka Xoogga dalka 3-dii biloodba mar ay qaataan tababar qaas ah oo loogu talagalay in ciidanka xoogga dalka lagu tayeeyo,” ayuu yiri.

Askarta tababarka loo soo xiray oo aan tiradooda la shaacin ayaa ka qeyb-qaadan doonaan howl-gallada lagu xaqiijinayo amniga dalka iyo dagaalka ka dhanka ah ee Al-Shabaab.

Si kastaba, Turkiga ayaa ka mid ah dalalka sida dhow u taageero Soomaaliya, wuxuuna ka caawiyaan arrimaha ciidanka, caafimaadka, waxbarashada, dhaqaalaha iyo siyaasadda.