Siyaasiyiinta beesha Gedo oo ka horyimid qodobada Gedo ee heshiiska doorashada

Garbahareey (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobolka Gedo ayaa sheegay in ay ka soo horjeedaan qodobada qaar ee lagu heshiiyay ee ka soo baxay kulankii Golaha Wadatashiga Qaranka oo maalin ka hor lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.

Shirkii ku dhawaad todobaadka ka socday teendhada Afisyooni waxaa ka soo baxay qodobo qaarkood looga heshiiyey hanaanka loo soo dooranayo xildhibaanada deegaan doorashadoodu tahay gobolka Gedo, balse siyaasiyiinta u hadlay gobolkaas waxay qaadaceen qodobadii ka khuseeyey heshiiska.

Madaxdii ku shirtay Muqdisho waxay go’aamiyeen in doorasho uu garwadeen ka yahay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka, Maxamed Xuseen Rooble ay ka dhacdo Garbahaarey, taas oo inta badan qaban qaabada maamulkeeda uu leeyahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Siyaasiyiinta qaar ee ka soo jeeda Gedo oo warbaahinta la hadlay waxay aad u dhaliileen inta heshiiskaas fulintiisa ka khuseyda Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ay sheegeen in aysan u aqoonsaneyn madaxweyne sharci ku maamula Jubbaland.

“Heshiiskaas qeybtiisa ku saabsan Jubbaland waan qaadacsanahay, sida aad ogtihiin dhismihii u dambeeyey ee Jubbaland waxaa isku caleema saaray ninka hada madaxweynaha ka ah, dowladda dhexe waxay u ogolaatay laba sano in doorasho kale lagu qabto, bisha 8-aad ayuuna ku egyahay waqtigii loo ogolaaday inuu Jubbaland sii maamulo, in bisha 8-aad ay Jubbaland doorasho gasho wax aan aheyn oo naga khuseeya heshiiskaas ma jiraan,” ayuu yiri mid ka mid ah siyaasiyiinta reer Gedo oo BBC la hadlayey.

Waxa uu sheegay inuu ka mid yahay gole la magac baxay ‘Raadinta Jubbaland loo dhanyahay’ isla markaana ay ku mashquulsan yihiin sidii maamul cusub loogu dhisi lahaa seddaxda gobol ee Jubbaland la isku yiraahdo, sida uu hadalka u dhigay.

“Dowladda federaalka oo is qabqabsiga dhismaheeda uu batay ayaa aad dib noogu riixay, waxyaabo badan oo aan dooneynay in lasoo dedejiyo waxaa dib u dhigay wadaxaajoodyadaan daba dheeraaday ee doorashooyinka, balse anagu wax walba waan isku daynay,” ayuu yiri Afhayeenka golaha Raadinta Jubbaland loo dhanyahay Cabdi Daahir Xasan.

Ugu dambeyntii ururkan ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin in nabadeyn iyo dib u heshiisiin ay ka dhacday gobolka, balse ay doonayaan in saddexda gobol ee Jubaland ay ka qabsoonto dib u heshiisiin loo dhan yahay, si loo ambaqaado doorashada maamulka.