Taariikhdii Cabdiqaasim iyo Cabdullaahi Yuusuf oo mar kale dib isu qoreysa

Wixii dhacay ha noqdaan casharo lagu waano qaato: waa hadal ay Soomaalida siyaasiyiinta ah adeegsadaan marka dhibaato laga gudbo. Casharo lagu waano qaato oo aad u fara badan ayaa na soo maray, balse ma badna inta ku waano qaadata.

October 15, 2002, waxaa shir ay gar wadeen ka tahay IGAD loogu qabtay siyaasiyiinta Soomaalida magaalada Eldoret ee dalka Kenya. Xilligaas shirka uu furmayo, waqtigii madaxweyne Cabdiqaasim Salaad Xasan la siiyay ee saddexda sanno ahaa waxaa ka harsan 9 bilood oo keliya.

Si ka duwan shirkii Carta ee dhalay TNG-da Cabdiqaasim Salaad Xasan 2 sanno ka hor waqtigaas, shirkaan waxaa u dhan hoggaamiye kooxeedyadii dalka, garabyada kale ee siyaasadda, bulshada rayidka ah iyo weliba Dowladda KMG ahayd ee Cabdiqaasim.

In kasta oo uu diidannaa shirka, haddana madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu Eldoret u diray wafdi ay hoggaaminayaa RW Xasan Abshir Faarax (AUN) iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cabdalla Deerow Isaaq (AUN).

Sida ay labadaan mas’uul sheegeen, dowladdii ay madaxdeedu ka mid ahaayeen waxay ku guuldaraysatay in ay meel mariso himilooyinkii Carta laga keenay oo ay ka mid ahayd in dalka 3 sanno kaddib doorasho la gaarsiiyo laba sababood dartood:

1- Hoggaamiyayaasha mucaaradsan oo hubeysnaa
2- In beesha caalamka taageero laga waayay.

Soomaalidii ku shirsanayd Kenya waxay July 5, 2003 gaareen heshiis qeexaya nooca dowladda la dhisi doono iyo xeerka ay ku shaqayn doonto balse waxaa qaadacay oo diiday inuu saxiixo madaxweyne Cabdiqaasim asagoo sheegay in dowlado shisheeye ay dabada ka riixayaan in Soomaaliya la kala jarjaro, in lala dirirsan yahay dhaqanka Soomaalida, Carabina aan axdiga lagu xusin.

Xilliga uu Cabdiqaasim shirkaas socday 7 bilood uu qaadacayo, Nairobina uu ka dhoofayo, waxaa dhicitaanka muddo xileedkiisa ka dhimman bil iyo 7 maalmood (August 12). Cabdalla Deerow iyo Xasan Abshir waxay ku eedeeyeen Cabdiqaasim inuu doonayo muddo kororsi, sidaasna uu u qaadacay shirka, balse ay ayagu TNG-du wakiil ka yihiin, beeshana caalamka ayay ka codsadeen in dhammaan xubnaha baarlamaanka ka jooga Xamar la soo raro.

Sida la filayay August, waxaa fadhiistay baarlamaanka oo lagu muransanaa kooramkiisa, guddoomiye ku xigeenkii baarlamaanka Xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf ayaa ku dhawaaqay muddo kororsi, madaxweyne Cabdiqaasim-na wuxuu sheegay in baarlamaanka uu jiri doonno illaa doorasho xur iyo xalaal ah dalka laga gaarsiinayo. Isla bishii August, baarlamaanka ayaa xilkii ka xayuubiyay Xasan Abshir iyo Cabdalla Deerow kaddib markii ay muddo kordhintii diideen. 

Beesha caalamka cadaadis adag ayay saartay madaxweyne Cabdiqaasim, sidoo kale Cabdalla Deerow iyo Xasan Abshir waxay Nairobi ku soo bandhigeen 132 xildhibaan oo ka mid ah 245 xildhibaan ee baarlamaanka, 32 wasiir oo dhamaantood sheegay in ay muddo kordhintu diidan yihiin.

Madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu bedelay xildhibaanadii ka hor yimid, wuxuuna guddoomiye baarlamaan ka dhigay xildhibaan Mustaf Mukhtaar Guudow, halka uu RW u magacaabay xildhibaan Maxamed Cabdi Yuusuf oo guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ahaa. In kastoo ay TNG-du qeybsantay, haddana Winston Tubman oo ergayga Qaramada Midoobay ahaa iyo Ambassador Kiplagat oo shirka hoggaaminayay, marna shirka uma hakin diidmada Cabdiqaasim.

Dec, 2003, Cabdalla Deerow Isaaq ayaa sheegay inuu isaga uu madaxweyne yahay, xilkiina uu ka xayuubiyay Cabdiqaasim. Waxaa sidoo kale soo baxay Cabdinuur Darmaan oo madaxweynenimo sheegtay, oo markii dambena la wareegay Guddoomiyii cusbaa ee Baarlamaanka Mustaf Mukhtaar Guudow!

Col. Cabdullaahi Yuusuf oo noqon doona madaxweynaha DKMG ah wuxuu ka faa’ideystay maqnaanshaha garabka TNG-da Muqdisho, wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay howlaha shirka.

Cadaadis dheer gudaha iyo dibadda ah kaddib, madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu ku qancay in muddo kororsiga uusan sii jiri karin, wuxuuna February 2004 aqbalay heshiiskii uu diiday, kaddib markii uu baarlamaanka geeyay, ayna ansixiyeen. 

Siddeed bilood kaddib, madaxweyne Cabdiqaasim Salaad oo xilka looga guuleystay, ayaa garoonka Kasarani ee Nairobi ku aqbalay natiijadii uu ku soo baxay Col. Cabdullaahi Yuusuf. Madaxweyne Cabdiqaasim wuxuu tanaasulay wareeggii koowaad kaddib markii uu galay kaalinta 5-naad, halka Maxamed Qanyare Afrax uu galay kaalinta 3-aad!

Casharo!

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid