Feysal Cali Waraabe oo shaaciyey dhibaato ay kala kulmeyn wada-hadallada DF

Hargeysa (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa eedeyn culus usoo jeediyey Dowladda Federaalka Soomaaliya ee waqtigeeda dhamaaday ee uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Feysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Dowladdii uu hoggaaminayey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay burburisay dhammaan heshiisyadii ay horey ula galeyn madaxweynayaashii horey usoo maray Soomaaliya tan markii ay ku dhawaaqeyn inay ka go’eyn Soomaaliya.

Guddoomiyaha UCID oo la hadlayey taageerayaashiisa ayaa madaxda Somaliland ugu baaqay inay joojiyaan wada-hadallada u dhaxeeyo Somaliland iyo Soomaaliya.

Waraabe ayaa xusay in Somaliland ay dhibaato xoog leh kala kulantay wada-hadalada ay kula jirto Soomaaliya, wuxuuna sheegay in wada-hadaladaas ay sabab noqdeyn inay Somaliland weyso aqoonsiga ay adduunyada ka raadineysay.

Sidoo kale waxa uu carabka ku dhuftay  in Wada-hadalladii Somaliland la gashay Soomaaliya ay Sumcad u soo jiideen Dawladda Soomaaliya oo uu ku tilmaamay mid aan jirin oo Magac uun ah.

“Nidaam iyo dowlad aan jirin ayaynu Adduunka ka sharciyaynay, iyaguna way ka faa’iidaysteen, wixii aynu la galnay Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh way baa’biisay dowladdan hadda joogta ee Farmaajo” ayuu yiri Feysal Cali Waraabe.

“Baarlamaanka cusub markuu yimaaddo ajendaha ugu horeeya waxa weeyaan in wada-hadallada la joojiyo oo inagu aynu Adduunka la macaamilno,” Ayuu sii raaciyey hadalkiisa.

Wadahadalada u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Soomaaliland ayaa in muddo ah ahaa kuwa soo jiitamaayey iyadoo ilaa hadda aan xal rasmi ah laga gaarin arrimaha uu muranka ka taagan yahay.

Afartii Sano ee uu xilka hayey madaxweyne Farmaajo ayuu ku guuldareystay inuu Somaliland ku qanciyo midnimada Soomaaliya, waxayna wada-halada Soomaaliya iyo Somaliland ay galeyn marxad aad u adag.